Sunday, July 14, 2013

Muqdisho: Al-shabaab oo Qaraxyo Joogto ah ku Xasuuqaysa Shacbiga Sooman iyo Naf Hurida oo Ciidanka Fashilaysay


Muqdisho(GNA)-Qaraxii labaad ee Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Maanta oo Sabti intii lagu gudo jiray Bisha Barakaysan ee Ramadaanta.




Qaraxyadan ayaa sababay dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaadhay dad u badan Bulshada Rayidka ah ee aan waxba galabsan, kuwaasoo sabab la’aan u dhimanaya iyagoo sooman.




Ciidamada amaanka ee Dawlada somaliya ayaa wada hawl-galo u muuqda Madhalays, marka loo eego fulinta Qaraxyadan oo laga fuliyo Badhtamaha Magaalada.




Afhayeen u hadlay Ciidamada Bilayska Somaliya maalintii Jimcaha ka dib Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Kolanyo ka mid ah Ciidamada AMISOM, ayaa sheegay inay Bilayska dawlada oo Kaashanaya kuwa Milaterigu magaalada ka wadaan hawl-gal loogu magic daray Gaaf-wareeg, hase ahaatee sii socoshada Weeraradan ayaa muujinaya inaanay wali dawladu damaanad qaadi Karin amniga Caasimada Muqdisho.




Sarkaalka u hadlay Ciidamada ayaa sheegay in inkasta oo hawl-galkaasi socdo , hadana ay adagtahay in lala dagaalamo qof naftii hure ah oo aan Qori ku Dagaalamayn “Weeraradani maaha kuwo loo isticmaalayo Gantaal meel laga soo ridayo ee waxa weeye qof kula mid ah oo kula lebisan oo suuqa kula jooga ayaa Qarxaya.”




Ka dib qarixii Jimcaha lala beegsaday Ciidamada AMISOM oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo Rayid ah, kuna dhaawacmeen in ka badan 15 ay ku jiraan Askar dawlada iyo AMISOM ka tirsani, Ciidamada nabad-sugida somaliya waxay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro tiro badan oo laga soo qab-qabtay Xaafado ka ag dhawaa meesha Weerarku ka dhacay.




Geesta kale, Hal ruux ayaa ku dhintay inkabadan toban kalana way ku dhaawacmeen  bam lagu tuuray gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Maanta oo Sabti.

Dadka waxyeeladu ka soo gaadhay bom-kan ah  dad rayid, oo Ganacsato ah, waxaanay u badnaayeen Dumar iyo Caruur, waxaana kuwa dhaawacmay la geeyay Cisbitaalada Magaalada Muqdisho.




Inkasta oo aanay jirin ilaa hada cid sheegatay weerarkaasi, hadana Kooxda Al-shabaab ayaa ku hanjabtay Maanta inay sii wadayaan Weerarada ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho, taasoo cadanaysa inay ka dambeeyeen Bom-kaasi.




 Diinta Islaamka ayaa Xaaraatimaysay Banaysashada Dhiiga Muslimka, Bisha Barakaysan ee Ramadaantuna way ka soo xag-jirtaa in layska Ilaaliyo Dunuubta iyo Dilka umadda islaamka ah, hase ahaatee weerarada Xag-jirnimada ah ee Al-shabaab ayaa ah ficilo sii fashilaya qadiyada Islaamiga ah ee ay ku doodayaa in dagaalkoodu salka ku hayo.




Gobanimonews




Muqdisho Office