Hargeysa(GNA)-Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa sheegay in aan xukuumadu wali ka jawaabin dhaliilo ka kooban 16 qodob oo ay u soo bandhigeen, waxaanu sheegay inay taas bedelkeed jid kale isku qaaday.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirkiisa daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa si adag uga hadlay ku dhawaaqista golahan, waxaanay sheegeen inuu yahay sharci darro, iyagoo ku hanjabay inaanay sharciga ku tuman karin dad uu sheegay inay aflagaado la soo taaganyihiin.
Afhayeenka golahaas Mujaahid Ibrahim-dhegoweyne, shalay u Waramay Geeska Afrika ayaa si kooban uga Jawaabay Dareen celinta Xukuumaddu ka muujisay Golohooda.
“Wixii aanu anagu ku dhaliilnay hal eray kamay odhan ee wado kale ayay mareen, wixii waanu qabnaa ama ma qabno ha yidhaahdeen.”ayuu yidhi Dhego-weyne
Ibrahim-dhegaweyne, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegayi “16 qodab oo cad cad ayaanu halkaas u soo dhignay oo mid waliba faah faahintiisa uu leeyahay waanay ka jawaabi waayeen oo wado kale ayay jeexeen.”
Hadalka Dhego-weyne ayaa daba socda dhawaaqyo xaasaasiyad xambaarsan oo ay xukuumadda Siilaanyo iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta lagu tiriyo inay gacan saar dhaw la leeyihiin, kaga jawaabeen Golaha Toosinta iyo wadatashiga Qaran ee ay dhawaan ku dhawaaqeen, kaasoo Bulshaduna dhinaceeda ka faaqidayso.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Dhego-weyne: Xukuumaddu 16 Dhaliillood oo aanu u soo jeedinay Kamay Jawaabin ee Wado kale ayay jeexday