(GNA) Hayada caalamiga ee maraakiibta iyo badaha IMB fadhigeeduna yahay caasimada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso hoos u dhaca ku yimid weeraradii ay geysan jireen kooxa burcad badeeda Soomaalida.
Hayada ayaa sheegtay in hoos u dhac aad u daran uu ku yimid weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida tan iyo sanadkii 2006, waxaana la sheegay in sanadkan kaliya lix weerar ay qaadeen.
Lixda bilood ee ugu horeysa sanadkan lixda weerar ee ay qaadeen kooxa burcad badeeda ayaa la sheegay in labo kamid ah ay ku afduubeen doonyo, kuwaas oo la sheegay in laga badbaadiyay burcad badeeda.
IMB ayaa sheegtay in arinta hoos u dhaca weerarada burcad badeed ay ugu wacan tahay howlgalada ciidamada la dagaalanka kooxa burcad badeeda ay ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.
Agaasimaha Xafiiska IMB Pottengal Mukundan ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadayaan dagaalka ay xaqiijiyan amaanka xeebaha ay adeegsadaan maraakiibta ganacsiga.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaa iminka gacantooda ku jira 57 shaqaalo ajaaniib ah iyo afar markab oo ay ka doonayaan lacago madax furasho ah.
Gobanimonews.com