Muqdisho(GNA)-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo Fagaare kula hadlay dad isugu soo baxay in ay daawadaan rag ay ku khaarijinayen Shabaabka Magaalada Buula Mareer ee gobalka Sh/hoose , ayaa sheegay in ay xukun dil ah ku fuliyeen saddax nin oo ka tirsanaan jiray Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in laba habeen ka hor ay dagaalamayaasha Ururka Al Shabaab ka soo qabteen saddaxda nin meel u dhaxays Shalaan-bood iyo Janaale ee Gobolkaasi, ka dib howl-gal sida uu sheegay SHabaabku fuliyeen
Abuu Cabdalla ayaa wuxuu ku goodiyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo la shaqeysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo Shabaabku dagaal xooggan ay kula jiraan.
Kooxda Shabaab ayaa inta badan dadka ay fagaarayaasha ku khaarijiyaan waxa ay u yeelaan eedooyin fara badan kuwaas oo ay ku baneysanayaan talaabada ay qaadeen.
Alshabaab ayaa hore dilal noocan oo kale ah ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen Dambiyo kala duwan, sida Basaasnimo, Faal iyo arrimo kale oo ay ku doodaan inay ka soo horjeedaan Shareecadda Islaamka.
Gobanimonews
Muqdisho Office