Bayern Munich ayaa ganaax lacageed ku soo rogtay Mario Gomez, Mario Gotze iyo Jan Kirchhoff ka dib markii dhar ay sameysay shirkada Nike ay u soo xirteen dhacdooyin rasmi ah oo ay kooxda qabaneysay inkastoo kooxda ay heshiis kula jirto Adidas sida uu sheegay sarkaalkooda dhanka warbaahinta Markus Horwick.
Ciyaartoyda kooxda Bayern Munich ayaa qasab ay ku tahay inay xirtaan dharka ay soo saarto Adidas marka ay ka qeybgalayaan dhacdooyinka rasmiga ah ee kooxda taasoo qeyb ka ah heshiiska ay saxiixeen, iyadoo kaliya ay kabaha ay iska bedeli karaan oo ay xiran karaan shirkadii ay heshiis gaar ah kula jiraan.
Si kastaba, Gotze iyo Kirchhoff ayaa soo xirtay funaanado ay ku taalo calaamada Nike markii ay kooxda u soo bandhigeysay ciyaaryahanada cusub saxaafada talaadadii taasoo keentay inay cabasho ka soo yeerto Adidas.
Bayern ayaana si joogta ah raaligelin u siineysay shirkada ay heshiiska kula jiraan ee Adidas, hadana Mario Gomez ayaa isna lagu sawiray markaas ka dib isagoo xiran koofi Nike ah intii uu ka qeyb qaadanayay tababarka kooxda ee ka socda Trentino.
Kooxda Champions League heysata ayaana sidaasi darteed dooratay inay talaabo ka qaado seddexda ciyaaryahan iyagoo ganaax lacageed lagu soo rogay, taasoo loogu deeqi doono dadkii ay wax ka soo gaareen fatahaadihii Germany ka dhacay dhawaantan.
Wax faahfaahin ah lagama bixin inta ay la egtahay lacagta lagu ganaaxay seddexda ciyaaryahan, laakiin waxaa la xaqiijiyay inay aqbaleen ciqaabtii lagu soo rogay.