(GNA) Maamulka magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa dadka miisaanka culus ama Buuran U balan qaaday hadii ay miisaanka iska dhimaan in lasiin doono DAHAB.
Dubai ayaa diyaar u ah qofkii 1kg iska rida miisaankiisa in lasiiyo 1 gram oo DAHAB ah, balse qofku waa inuu ugu yaraan iska ridaan 2kg miisaankiisa, 1kii gram ee DAHAB ah ayaa u dhigma lacag ka badan $50 dollar.
Qofka loo aqoonsado inuu Miisaanka ugu badan iska riday ama gooyo inta ololahan socdo ayaa la sheegay in uu heli doono abaalmarin dahab ah oo u dhiganta 5 Milyan oo dollar.
Qorshahan ayaa ah mid maamulka Dubai uu uga hortagayo dadka miisaankooda culus yahay oo kusii badanaya wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana lagu dhiiri gelinayaa inay dadka miisaanka iska ridaan oo ay caafimaadkooda ka shaqeeyaan.
Barnaamijkan DAHAB-ka la isa siinayo ayaa socon doona illaa iyo bartamaha bisha Agoosto marka laga baxo bisha Ramadaanka, waxaana lagu soo beegay wakhti lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka oo kamid ah xiliyada sida weyn ay dadka wax u cunaan markii ay afuraan.
Talaabadan ayey dad badan oo uu miisaankoodu sareeyo soo dhaweeyeen.
Gobanimonews.com