Waxa aan salaamaya inta ku hawlan soo gudbinta iyo ka war haynta Bulshada qaybeheeda kala duwan marka xiga waxa aan salaamayaa muwaadiniinta kala duwan eek u kala nool dacalada dunida.
Marka xiga waxa aan doonayaa in aan hadalo koob-kooban ka idhaahdo hadalada labada masuul ee wasiir xirsi Cali Xaaji Xasan iyo faysal cali waraabe is waydaarsadeen, kuwaas oo runtii markii aan dhegaystay aan dib u eegis ku sameeyey hadalo hore iyo kuwa hadaba waxa I bidhaantay in faysal cali waraabe uu yahay masuulka ugu hadal ka badan Somaliland misena ugu micnaha yar uguna fikirka gaaban bulshada taas oo aan u soo qaadanaayo mudadii dheerayd ee uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo bulshada reer Somaliland ay u bixiyeen magacyo iyo naanayso balse ilaa hada aanu faysal ahayn nin muda kar ah oo wax ka bartay casharadii bulshada reer Somaliland uu kala kulmay ku darso oo faysal isaga oo la og yahay hawlihiisa shaqo ayaa waxa beri dhawayd soo baxdayna sawiro muujina qiimaha iyo qadarinta uu qaranka ku leeyahay faysal agtiisa taas oo ina tustay in faysal yahay kolba cidii u dhaw markii la waydiiyeyna uu ku jawaabay casho ayey ahayd anigaana codsaday madaama oo ay noo dhawaayeen meeshay ku shirayeen in lay geeyo.
Taas oo ah runtii mid qiimo dhac ku ah qaranka Somaliland iyo faysalba tusaalena waxa kuugu filan markii faysal uu madaxweyne silaanyo la qaatay kulan casho ah oo uu ugu sameeyey qasriga madaxtooyada isaga iyo ururadii soo baxay iyo kuwii ku hadhayba tartanka in faysal shir jaraaid oo uu qabtay uu ku yidhi madaxweynaha waxa aan leeyahay casho waa la iska helaay isku day inaad sidaa qiimaha leh eed noo sharaftay aad mar amr noogu yeedho una joogtayso taas oo aan anigu dib u eegis taydii is idhi malaa faysal waxa uu jecel yahay in uu madaxweynayaasha ka agdhawaado ka Israel-na ha ahaadee oo uu sawiro la galo uun.
Hadii aan u noqdo hadalkii u danbeeyey ee uu kaga jawaabay ka reebistii safarkana waxa aan u arkay cadho ka kacday maxaa laygu reebay.
Xirsina waxa aan leeyahay mudane waxa aad tahay haldoorka dhalinta yare e dalka u soo kacaaya ee aanu eegano ee mar danbe ha u jawaabin hana inaag qasaarayn hadalka faysal aad leedahayna waxa inooga fiican adiag oo dar-dar gelinta iyo hawlaha qaran aad u hayso ku xoojiya.
Ugu danbayna waxa aan leeyahay faysal mudane Gudoomiye bal dib isugu noqo oo raadkaaga dib u raac maxaa kaa qaldan ma cidaad cuni jirtay markaad yarayd oo xasuustaa kugu yar mise waxa aad maraysaa wakhtigii dadku aanay waxba isla hadhi jirin.
Luul Cabdi-salaan
Manchester Uk