Wednesday, July 24, 2013

Hargeysa: Wiil lagu Dilay Xaafada October


Hargeysa(GNA)  abaara shalay Casarkii xilli ay ku beeganayd Afurka hortii  ayaa Nin lagu Dilay agagaarka xaafadda October ee Magaalada Hargeysa,sidaasi waxa sheegay Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa magaalada hargeysa.




Dilkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen laba Nin oo walaalo ah balse illaa hada war faahfaahsan lagama hayo, marka laga reebo in la qabtay mid ka mid ah laba nin oo la sheegay in ay walaalo yihiin oo loo aanaynayo inay Dilkaasi fuliyeen.




Ciidamadda Booliiska ayaa la sheegay in ay baadi goob ugu jiraan soo qabashada ninka labaad ee la sheegayo in uu baxsaday, halka kii kale ay xabsiga isla markiiba dhigeen.




Meydka Marxuumka dhintay ayaa la geeyay Cisbitaalka Hargeysa halkaas oo lagu baadhayo sababta dhimashadiisa. Isla markaana waxa lagu hubinayaa Dilkaasi sida uu u dhacay.




Booliiska Somaliland wax war ah kamay soo saarin xalay Dilka ninkan iyo cida ay u hayaan toona, waxaanay wakhtigii Dilku dhacay kadib ku mashquuleen baadhitaanka dhacdadan iyo Ninka baxsaday.




Dhinaca kale Ila wareedyo Wargeysku helay  ayaa  sheegaya in Ninkii kale ee ay boolisku daba goobayeen ay gacanta ku soo dhigeen.