Saturday, July 6, 2013

Admore Kambudzi: Masar Xubinnimadeedii Midowga Afrika Waa la Hakiyay”.


Addis(GNA)Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ayaa shaaciyey in kulankoodii maanta (Jimce) ay go’aansadeen in dowlada Masar laga saaro xubinimada Midowga Afrika.




Warkan ayaa waxaa shaaciyey Xoghayaha Golaha Amaanka ee Midowga Afrika Admore Kambudzi.




Midowga Afrika oo ka kooban 54 wadan ee Qaarada Afrika, ayaa horey go’aan ugu gaaray in ay ka hortagaan Inqilaabyada ka dhaca wadamada Afrika, go’aankan oo jawaab u ah Afgambigii ay militariga Masar ku sameeyeen dowladii la doortay ee Madaxweyne Maxamed Morsi.




“Masar xubinimadeedii waa la hakiyey illaa dib loo soo celinayo dastuurkii iyo Nidaamkii dowliga ahaa ee wadankaasi…” ayuu yidhi Admore Kambudzi oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika.




Midowga Afrika ayaa hore u Hakiyay Xubinimada Midwga afrika ee waddamada Muoritania iyo Waddanka Gunea oo ay labadoodaba Af-gambiyo Milateri ka dhaceen sanadihii la soo dhaafay, kuwaasoo aan ka soo qayb-gelin labadii shir weyne ee Ururka Midowga Afrika.




Xaalada Masar ayaa u muuqata mid marba marka ka dambeysa sii xumaanaysa, waxaana wali ka socda dibad baxyo ay dhigayaan Taageerayaasha Madaxweynihii la riday ee Maxamed Morsi,waxaanay qul-qulatooyinka wadankaasi ka socda saamayn ku yeelanaysaa danaha siyaasadeed ee gudaha iyo dibada.




Ma jiro wax jawaab ah oo Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Milaterigu u dhiibay taladu ka soo saaray Go’aanka Midowga Afrika, hase ahaatee arintan ayaa ah mid Caqabad ku noqonaysa waddankaasi oo sidoo kale ka mid ah Ururka Jaamacadda Carabta.




Gobanimonews




Addis-ababa Reporter