Monday, June 17, 2013

Xulalka Hargeysa iyo Gabiley oo Kuraas iyo Kubbaayado isla dhaca, ka dib Qado sharaf loo Sameeyay Maanta


Hargeysa(GNA) Ciyaartoyda labada Gobol ee Hargeysa iyo Gabilay ayaa isku fara saaray kulan qado sharaf ah oo maanta loogu sameeyay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.




Labada kooxood waxa wada casuumay oo qado sharaftan u sameeyay wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, waxaanay ka mid yihiin afarta kooxood ee Semi finalka isugu soo baxay.




Ciidamo Booliis ah ayaa loo dalbaday kadib markii xaaladu faraha ka baxday ee gacan ka hadalku dhex maray labada kooxood,ka dib markii askarta Hudheelku   kala kaxayn kari waayeen Dhalinyaradaasi.




Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay gacan ka hadalka labada kooxood dhex maray,  hase yeeshee mid ka mid ah Ciyaaryahanada Gobolka Gabiley, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inaanay dhibaato aad u culusi soo gaadheen,jiraanse dhaawacyo aanu inta ay le’eeg yihiin cadaynin oo ciyaaryahanada qaarkood soo gaadhay.




"ma jirto cid nabaro muuqdaa soo gaadheen, laakiinse waxa jira ciyaartoo jugo hoose soo gaadheen"sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Ciyaaryahanada Gobolka Gabiley oo Gobanimo la hadlay.




Sidoo kale Hudheelka Rabshadu ka dhacday ee Maansoor, ayaa Goob-joogayaal ku sugani Gobanimonews u sheegeen in khasaare ka soo gaadhay, isla markaana ay dhalinyaradu isla dhacday weelkii Cuntada loogu keenay iyo Kuraastii ay ku fadhiyeen, iyadoo dhinaca kale la sheegay in Hudheelka Murayaadahiisa qayb ka mid ah la jajabiyay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidanka amaanku goor dambe ku guulaysteen inay Hudheelka ka soo saaraan labada kooxood isdilayay, kuwaasoo markii dambe kala kaxayntooda lagu guulaystay.




Ciyaaryahan ka mid ah Kooxda Gobolka Gabiley, ayaa sheegay in dagaalku ka dhashay wada hadal dhex maray labada Ciyaaryahan, oo kaftan dhex maray, laakiinse sababta gacan ka hadalka dhalisay intaasi way ka culustahay ayaa la leeyahay.




Si kastaba ha ahaatee labadan xul ayaa la sugayay inay beri dhex marto ciyaarta koowaad ee kubadda Cagta , oo maraya isreeb-reebka afarta kooxood.




Wixii war ah ee ka soo kordha la soco




Gobanimonews




Hargeysa Office