Wednesday, June 12, 2013

Xasan Ciise: marka la Eego Xayiraada Hubaal, Dilkii Taageerayasha Xaq-soor, sidii loo galay Cismaan, waxa muuqda Sawir aan loo dul qaadan karin"


Hargeysa(GNA)- Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa wax laga xumaado iyo Sawir aan loo dul-qaadan Karin ku tilmaamay hawl-gallada Xukuumaddu Ciidamada Ammaanka iyo Garsoorka dalka ugu adeegsanayso cabudhinta Saxaafadda iyo Xoriyadda Muwaadiniinta.




 Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku baaqay in wada-tashi arimahan lagu dersayo la qabto, waxaanu sidaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray.




Kaasoo u dhignaa sidan:-




"Waxa isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin, talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.




 Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor ee aan hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo Zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.




 Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u deegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lid ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.




 Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii lexejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacdiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland."




 Gobanimonews




Hargeysa Office