Tuesday, June 18, 2013

Xariirad: Dablay Hubaysan oo Nin Shicib ah Toogasho ku Dilay iyo Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada


Xariirad(GNA)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dil Caawa Fiidkii Nin shicib ah loogu geystay Degmada Xariirad ee Gobolka Selel.




Goob-joogayaal ku sugan Magaaladaasi ayaa sheegaya in Xaalada Deegaanku Saacadihii ugu dambeeyay degentahay, jirina wax mashaqo ah oo ka dhashay  fal toogasho ah  oo fiidkii Caawa Rag Hubaysan oo Madaxa soo duubtay ku dileen Marxuum magaciisa la odhan jiray Daahir Dugsiiye (Tarayse Liqe) oo Badhtamaha Magaalada lagu dilay.




Dad ka agdhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa Gobanimonews u sheegay in raga wax toogtay afar ilaa shan ahaayeen, isla markaana ay ku lebisnaayeen dhar Dirayska Ciidanka u eeg oo Tuute ah, wallow aanay jirin cid si toosa u xaqiijisay amaarad lagu tilmaansan karo dablaydaasi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobolka, ka degmada iyo Taliska Bilayska Gobolka selel toona oo la xidhiidha Dilkaasi, waxaase goob-joogayaal ku sugan Xariiad noo xaqiijiyeen inaan jirin fidadowgii hore ee la soo jeeday cid falkaasi loo qabtay.




Masuuliyiinta laamaha amaanka oo aanu isku daynay inaanu wax war ah ka helno, ayaanay noo suurto gelin isgaadhsiinta oo ay badankoodu xidheen awgeed, balse waxa la sheegay in badi maamulkii Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka amaanka ugu saraysa ee Gobolka selel ku sugan yihiin Caasimada Somaliland ee Hargeysa.




Xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ah ayaa dilkan u sibir-saaraya aano dil hore ah oo Beesha uu ka soo jeedo Ninka la dilay loo haystay, taasoo dhacday bishii April xili xurguftii ka dhalatay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanku Gobolkaasi aad u saamaysay.




Dilkaasi hore u dhacay oo loo haystay Beesha Ciise ee Gobolka Selel, ayaa horaantii bishan heshiis aan dhaqan gal noqon ay ka gaadheen labada beelood.




Si kastaba ha ahaatee Dilkan toogashada ah ee Caawa dhacay ayaa ku soo beegmaya xili Masuuliyiintii Ururka ee Khilaafka Doorashada Gobolka Selel Muduciga ka ahaa iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shaaca ka qaadeen in laga heshiiyay murankii ka dhashay Doorashada iyo guud ahaan Khilaafkii ka dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda, xili aan wali xal Waara laga gaadhin utuntii ay arintaasi labada beelood ee Gobolka  Selel wada degen dhex dhigtay.




Gobanimonews




Borama Office