Friday, June 14, 2013

R/wasaaraha Itoobiya “Ma Jirto Awood Is-hortaagi Karta Biya Xireenka Renaissance Dam


(GNA) R/wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka jawaabay hanjabaad uu dalkiisa u jeediyey madaxweynaha dalka Masar Dr. Max’ed Mursi oo la xiriirtay in Masar dhiig u daadin doonto haddii biya xireenka Itoobiya ee webiga Nile uu dhibic biyo ah ka horistaago.




Hailemariam Desalegn ayaa ku adkeystay in Itoobiya aysan joojin doonin dhismaha biya xireenka weyn ee loogu magac daray Renaissance Dam’, ulajeedada Itoobiyana tahay iney uga baxdo saboolnimada la degtay.




“Dhismaha biyo xireenka ‘Renaissance Dam’ waa tallaabo weyn oo ay Itoobiya kaga saareyso dalkeeda saboolnimada, isla markaasna aaney jirin awood is hortaagaysa dhismaha mashruuca” ayuu yiri R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.




R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa hadalladii kululaa ee madaxweynaha Masar ku tilmaamay kuwa kuwo uu uga baxsanayo mucaaridad xoog leh oo gudaha dalkiisa kasoo wajahday.




Wakaalada WIC oo warkaan soo tebisay ayaa sheegtay in R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ka dalbaday madaxda dalka Masar iney dib u eegaan mowqifkooda ku aadan biyo xireenka ‘Renaissance Dam’.




Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in haddii ay Masar dagaal ku gasho biyaha Nile ay madaxda xilligaan ee Masar noqonayaan hoggaamiyayaashii ugu waallnaa ee soo mara dalkaasi