Friday, June 14, 2013

Rabshad ka dhalatey gabadh niqaab xiran oo Booliska Faransiisku qabtay.


(GNA) Rabshado ayaa ka dhashey qayb ka mid ah magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kadib markii Boolisku istaajiyay gabadh xirneyd Niqaabka wejiga lagu asuro, waxaana istaajintaas loogu yeeray mid sharci darro ah.




Niqaabka wejiga lagu xirto ayaa dalka Faransiiska laga mamnuucay mar siihoreysey.




Qof meesha ka agdhawaa ayaa Booliska ku qayliyey waxaana uu ugu yeeray in ay ku kacayaan sharci darro baaritaanka ay ku samaynayaan gabadha Muslimadda ah, kadibna waxaa goobta isugu soo baxay dad ku dhaw boqol qof waxaana ay weerar ku qaadeen Booliskii.




Booliska ayaa dirsadey qaylo dhaan, waxaana ay u isticmaaleen dadkii isugu soo abxay hiilinta gabadha niqaabka xirneyd gaaska ilmada indhaha ka keena, iyo rasaasta caaga ah ee xanuunka badan, si ay u kala cayriyaan.




Sanadkii 2011 ayaa sharci laga dhigey in aan dalka faransiiska lagu xiran karin niqaabka wejiga oo ay xirtaan qaar badan oo ka mid ah haweenka Muslimiinta ah, waxaana sharcigu sheegayaa in qofkii jebiya la ganaaxayo 150€.