Thursday, June 20, 2013

NOLOSHU WAXAY I BARTAY! Qallinkii :C/naair Guray Meecaad.


kama baran iskuulka oo kaliya jaamacaduna may ahayn halkaan aqoonta ka siyaadsaday.sidoo kale waxaan wax ka bartay nolosha aabahay iyo hooyaday ilaahay cimrigooda ha raajiyee.








 




 




 




 




kama baran iskuulka oo kaliya jaamacaduna may ahayn halkaan aqoonta ka siyaadsaday.sidoo kale waxaan wax ka bartay nolosha aabahay iyo hooyaday ilaahay cimrigooda ha raajiyee.




waxaan ogahay in mid kasta oo cilmi leh mid ka cilmi badani jiro,si kata oo loo eego aqoontaydana marka la ag dhigo aqoonta




 




dadka kale waa daciif,hadaba maalin kasta oo cusub oo noloshayda soo marta waxaan u aqaan inay tahay maalin cashar cusub ii ah oo aan ka faa,idayso.




sidaa darteed ayaan jeclaaday inaad ila eegtaan qoraalkan si aad iila qaybsataan waxaan ogaaday ee ah xikmad,tijaabo kuwaas oo ama aniga igu dhacay ama qayrkay ku dhacay.




waxaan bartay in qof kasta oo dadka aan aqaan ahi ay leeyihiin wax aan ka helo ama i cajibiya sidaa darteed kuma xad gudbo qof kasta oo ay naga dhaxeyso xidhiidh bini aadanimo,waxaan bartay inaan xaasidka ka horgeeyo kalgacal,kana fogaado qofkastoo aan naftiisa ixtiraamin iyo inaanan la murmin axmaq,waayo dadku way isku kaayo khaldi karaan.




waxaan bartay in awooda kor loogu kaco iyo tan hoos loogu dhacaaba ay carabka ku hoos aasan yihiin odhaah dhiiri galin ah ayaa qof hooseeya kor u qaadi karta kana dhigta inuu gaadho hadafkiisa,sidoo kale ayey kal mada hoosaysaa  hoos u dhigtaa qof sareeyay mid hooseeyayna u dishaa.




markaa waa laga fiirsadaa waxaad odhanayso,waayo waxaad kor ugu qaadi kartaa dadka kuugu dhaw,waxaan bartay inaan odhan wax kasta oo aan garanayo laakiin aan garto waxaan odhanayo.




waxaan bartay in dadka iigu dhibta badani ay yihiin dadkaan kalsoonidayda oo dhan siiyay,bal adba




waxaan bartay in damiirku yahay cod hooseeya oo kuu sheegaya waxa ku sugaaya maalkuna ku yahay khaadim fiican laakiin se uu yahay sayid xun haduu ku maamulo.




waxaan bartay in jacaylka aan ficilka lahayni uu yahay wakhti lumis,dadkana uu ugu xun yahay qofka markaad u baahato dhabarka kuu jeediya.




waxaan bartay inaanan ka murugoon hadii gantaal dilaayi iiga yimaado qofka dadka iigu dhaw,waayo waxa eebe ii soo diri qof iga siiba gantaalka oo qalbigayga ku soo celiyo nolosha iyo dhoolo cadaynta,waxan bartay inaan qof kaliya riyooyinkayga dul dhigan.




waxaan bartay in qofka yididiishaa ka dhigan yahay qof laydh aan joogin arka,qofka dayriya ee nacaska ahina uu arko laydh laakiin aanu rumaysnayn,waxaan bartay in nolosha dhagxaan ka buuxdo kumase turun turoonayo waan ururin waxaan ka dhisan salaan aan ku gaadho guusha,waxaan bartay inaan qofna dhabarkayga kori karin ilaa anoo foorara mooyee.




waxaan bartay inaan qaban karo waxaan qalbigayga ka doono una diyaar gareeyay qabashadiisa,kaliya markaanan u ogolaanayn inaan dadka qaar maleyn inaanan gaadhi karin(qofka dadaalaa waa gaadhaa,kii wadada hayaana waa gaadhaa hadafkiisa).




waxaan bartay inaanay ceeb ahayn inaan dhaco laakiin ceebtu tahay inaanan mar danbe kici kari waayo,waxaan bartay in furaha fashilku yahay inaad isku daydo inaad qof kasta raali galisid waayo farqi wayn ayaa u dhaxeeya hadalka wacan iyo munaafaqaynta iyo wax ka noqodka iyo cararka,ka fashilmayna waa ka yidhaahda horumarku waa nasiib markaa iska fakarin isagoon wax qaban ama wax qabta isgoon fakirin.




waxaan bartay inay shalay tahay xaashi la laabay berina ay tahay wax sugaayo oon wali iman waxa kaliya ee aan haystaa oon ogahay uu yahay maanta,waxa waajib in tartanka ugu wacan ee caalamka uu yahay inaad naftaada la tartanto,waxaan bartay hadyada yar ee aanad filayn ay leedahay raadka weyn ta kale ee aad falysayqaali kasta oo ay tahay,inaan ku riyoodo inaan gaadho xidigaha,anoon ilaawayn in lugahaygu dhulka taagan yihiin.




waxaan bartay hadii wax dhamaadaan inaan caalamku dhamaan,waayo caalamku maaha intay indhaheenu arkaan oo kaliya.




waxaan bartay inaanan la fadhiisan dadka loo cadhayan yahay kuwa is cusleeya iyo kuwa xaasidiinta ah waa kuwa nafta xumada u keena waxayna xanbaarsan yihiin murugo,waxan bartay inaanu i raadayn hadalka xun ee lay yidhaa,sababta oo ah wuxuu wax yeelayaa kii yidhi ana wax iyeeli maayo waaayo ajarkiisii fiicnaabuu ii hadyeeyay xumaan taydana waa lagu dhaafi hadaan u sabro.




waxaan bartay hadii dhibaato i hesho in rabbi kuwa ka badan iga badbaadiyay allahii markii hore i dhaafiyay ayaa hadana idhaafin kara.




xigasho wargeyskii isha somaliland waxaana ku qortay aasiya axmed oo aan uga mahad naqayo sida fiican ee ay waxay noloshu bartay inoogu soo bandhigtay anna waxaan jeclaystay inaan mar labaad akhristayaasha u soo qoro.




Qallinka :C/naair Guray Meecaad




Email:noolahabadan@gmail.com




Phone:9097073