(GNA) Chris Beyc oo ahaa mid ka mid ah ciidankii sida goonida ah u tababarnaa ee ka qeyb qaatay qorshihii lagu dilay hogaamiyihii al-qaacida ee Osama Bin Laden ayaa lagu soo waramaayaa in hadal heyntiisu ay si xoogan u qabsatay dalka Mareykankan kadib markii ninkani uu isu bedelay haweeeney.
Ninkan ayaa magaciisa ubedelay Cristina, halka uu qaliin isku sameeyay isagoo si cad u sheegay in uu tan iyo yaraantiisii jeclaa noqoshada haweeney, balse ka mid ahaanshaha ciidanka Mariiniska ee badda ay u diiday in uu jiskiisa u bedelo haweeney.
Haatan oo uu shaqadaas ka fariistay ayuuna go`aansaday in uu qaab dhismeedkiisa u bedelo haweeney, waxa uuna waliba ka qoray buug dhawaan suuqa soo galay oo loogu magac daray (Christian Bike)
Ninkaan naagta noqday ayaa buugiisa ku faah faahiyay dhamaan howlihii uu soo qabtay, iyo sababaha ku dhaliyay inuu go`aankan qaato, waxa uuna Christian Bike 20 sano ka mid ahaa ciidamada gaarka u tababaran ee howlaha qarsoon ka fuliya meelo kala duwan oo caalamka ah, isagoo ka mid noqday ragii Af-Ghanistan ku dilay horjoogihii Al-Qaacida Shiekh Osama Binn Laden.