Saturday, June 22, 2013

Maxkamad ku taalla dalka Mareykan-ka oo xukun Dil iyo Xabsi daa’in ah k xukuntay Askar ka tirsan Ciidanka Badda


(GNA) Eedeysanayaasha ayaa lagu helay fal dambi ah kadib markii ay toogteen Nin iyo xaaskiisa oo iyaguna kamid ahaa ciidamada Marines-ka ee dalkasi Mareykanka, raggaani xukunka dilka iyo xabsi daa,in lagu xakumay ayay wararku sheegayaan in ay udhaceen lamaane habeen ka hor dhimashadooda isguursay Jan Pietrzak iyo Quiana Jenkin oo ahaa lamaanaha ay toogteen ragga lagu xakumay dilka ayaa waxa la xaqiijinayaa kahor inta aysan toogan labadooduba ay Jan Pietrzak usheegeen inuu daawado sida ay ugu hor kufsanayaan xaaskiisa taas oo ugu danbeyntiina ay madaxa ka toogteen kadib markii ay ku hor kufsadeen xaaskiisa.








Kadib cadeeymo iyo Dekumentiyo soo gaaray Maxkamada ku taalla gobolka California ayay ku kala xukuntay eedeysane Emrys John,oo 23jir ah, and Tyrone Miller,oo 25 jir ah xakun dil ah halka Kevin Cox, oo 25 jir ah ay maxkamada ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii uu qirtay falka uu gaystay islamarkaana uu uga warbixiyay Maxkamada sida ay wax udhaceen.




Garsooraha Maxkamada ayaa ka hor akhriyay maxkamada in saddexda eedeysane ay ku cadaatay falkii ka dhacay magaalada Riverside County ee gobolka California sanadii 2008-dii baaritaan dheer kadibna ay maxkamadu u cadaatay wax waliba oo ku saabsanaa dilkii labada lamaane cadeeymo kadibna ay maxkamada waajibaadkooda wada marsiisay sad