(GNA) Maxkamad ku taalla dalka Italy ayaa xukun xabsi daa,in ah ku ridday ninkii Bamka ku weeraray Iskuul ku yaalla dalkaasi sanadii 2012 oo ay ku dhimatay hal gabar halka Sagaal kalena ay ku dhaawacmeen
Eedeysane Giovanni Vantaggiato oo 69 jira ah ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkii uu kaga taqaluusay lagu weerary iskuulka Brindisi koonfurta dalkaasi Italy.
Falkaani oo dhacay sanadii 2012 bishii may 19 keeda ayaa waxa ku dhimatay gabar magaceedu lagu sheegay Mellisa Bassi oo 16 sano jirtey waxaana halkaasi ku dhaawacmeen sagaal arday oo dhiganaysay iskuulka.
Weerar ayaa noqday mid saameeyay dalka Italy iyadoo weerarkaasi loo xirxiray ragg badan oo ah Muslimiinta ku nool dalka Italy kahor inta aan gacanta lagusoo dhigin Giovanni Vantaggiato oo ay Maxkamadu ku xukuntay xabsi daa’in, Ragga islamka ahaa ee loo qabtay weerarka lagu qaday iskuulka ayeey dowladda Italy ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarkii bamka ahaa ee lagu qaaday Iskuulka balse iyagoo loo bartimaameedsaday Diintooda ayaa waxa ay ugu danbeyntii noqotay mid kusoo idlaato fashil.
Si Kastaba ha ahaate xiliyada wadamada qaar ay ka dhacaan weeraro ceynkaas ah ayaa waxa bartilmaameed laga dhigtaa ruuxa ugusoo sokeeyo ee haysta Diinta Islamka hadaba go,aanka kasoo baxay Maxkamada Talyaaniga ayaa waxa ay cadeeyneysaa in raggi loosoo xiray weerarka ka dhacay Iskuulka oo ay aheyd qalad cad ah maadama uu qirtay ninkii fuliyay weerarka oo ah nin udhashay dalka Talyaaniga , waxaana lagu wadaa in ay ooda ka qaadaan ugu yaraan shan ruux oo iyagu ku eedeysnaa falka weerarka ah.