Thursday, June 20, 2013

Manchester United Oo U Tafaxaydatay Saxiixa Thiago Hadii Ay Ku Guuldareystaan Dalabka Fabregas.


Wargeyska Daily Mail ayaa saaka qoraya in Manchester United ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Barcelona Thiago Alcantara, hadii ay ku guuldareystaan inay Cesc Fabregas ka dhaadhiciyaan inuu ku soo laabto Premier League.




Tababaraha cusub ee United David Moyes ayaa doonayaa inuu xoojiyo khadkiisa dhexe, isagoo bilaabaya inuu isku habeeyo kooxdiisa cusub.




Kabtankii hore ee Arsenal ayaana ka mid ah ciyaartoyda ugu jira liiska xiddigaha uu doonayo xagaagan, laakiin caqabado badan ayaa ka hortaagan inuu gacanta ku dhigo Fabregas.




Fabregas ayaa isbuucaan u sheegay Movistar: “Dadka wax badan ayay iska hadlayaan, runta waxa ay tahay ma jirto cid ila hadashay.




“Waxaan doonayaa inuu guulo ku gaaro Barcelona, kooxdaan waa gurigeyga, mar walba ayaana ku riyoonayay inaan halkaan ka ciyaaro, sidaasi darteed waxaan isku dayi donaa inaan guulo ku gaaro ilaa iyo inta aan awoodo.”




Man United ayaana damacsan haatan in xiisaheeda ay u weeciso ciyaaryahankii Spain ku hogaamiyay koobka qaramada Yurub ee 21 jirada 22 jirka Thiago Alcantara.




Ciyaaryahankan oo uu dhalay ciyaaryahankii Brazil la qaaday koobka adduunka Mazinho ayaa ka careysan inaan waqti ku filan lagu siinin Camp Nou tan iyo 2011, taasoo keeneysa in lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ay noqoto mid aad u jaban oo kooxo badan ay awoodi karaan.




 




 




Markii uu saxiixayay heshiis cusub labo sanno ka hor, waxaa heshiiskiisa qeyb ka aheyd sharuud ah inuu ciyaaro ugu yaraan 30 daqiiqo boqolkiiba 60 kulamada Barcelona. Si kastaba, ma uusan ciyaarin mudadaas.




Waxaana Barca ka hoos baxday xilligaas inay ogolaadeen in hadii sharuudaas aan la buuxin lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo markii hore aheyd 77 milyan ginni ay u soo dhaceyso lacag kooxo badan ay awoodaan oo ah 15 milyan ginni.




Inkastoo qandaraaska Thiago Alcantara haatan lagu burburin karo 15 milyan ginni, hadana koox walba oo dooneysa waa inay isaga marka hore ku qancisaa inuu iyaga u soo dhaqaaqo.