Sunday, June 23, 2013

Ku dhawaad 600 ruux ayaa ku dhimatay dalka India kadib roobab daad wata oo ku dhuftay waqooyiga dalka India+Sawiro


(GNA) Ku dhawaad 600 Ruux ayaa la aaminsanyahay in ilaa iyo haatan ay qaadeen daadad ka soconaya mudo isbuuc ah Magaalooyinka waqooyiga dalka India.




Roobabka wata daadadka ayaa saameyn balaadhan ugaystay Wabiyada iyagoo kiciyay biyaha wabiga Ganga taas oo ay ka dhalatay in ay bara kacaan dad farabadan khasaaraha  xoogana uu ugaysto.




Dadka ugu badan ee khasaarahaa ay kasoo gaadhay roobabkii ku dhuftay waqooyiga dalkaasi India ayaa ugu badan dad iyagu isugu yimid deegaanada Buuraleeyda ah ee Himalayan state oo ay utagaan dadka India iyo kuwa aaminsan diinta Hindusimka cabidaada sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabto dalkaasi India.




Qolooyinka badbaadada dalka India ayaa usheegay warbaahinada in 40 meyd ah lagasoo saaray iyagoo dul sabeenaya wabiga dushiisa maalinimadii shalay .




Saraakiisha dalka India ayaa sheegaya in ay jiraan ku dhawaad kumanaan ruux oo  iyagu ku xaniban  deeganada waxayna sheegeen in ay diyaarado ugu daabulaan cunooyinka si ay u gaadhsiyaan raashiin iyo daawooyin.




Waxaana soconaya tirada dhimashada oo sii kordheysa xili magaalooyinka ay ku dhufteen roobabka ay gabi ahaan guryihii burbureen iyo hantadii ay ku lahaayeen sidoo kale Asnaamtii ay ku caabudi jireen oo ahaa kuwo qarni uga dhisnaa goobahaasi dadka barakacayaasha ayaa la dul saaraya Buuraha dushooda si ay halkaasi ugu badbaadan.