Wednesday, June 12, 2013

Ideecada Dawlada oo loo keenay Qalab Salite-ka ku Xidhaya


Maareeyaha TV Qaranka Mr Khadar Cali Gaas iyo agaasinka farsamadda ee Idaacadda Radio Hargeysa  Mr Axmed Saleebaan Wayne ayaa ka warbixiyay qalab cusub oo ay ku baxday adduun dhan 100,000 $  ka soo bedeli doona qalabkii hore ee baahinta hawada ee Idaacadda Radio Hargeysa iyo TV Qaranka, qaybtiisa Satelite-ka ee baahinta tooska.




Mr Axmed Saleebaan Wayne oo uga warbixiyay muhiimadda iyo waxtarka qalabkan ee ay keensadeen waxaa  uu yidhi “qalabkani waxaa uu ka kooban laba qaybood mid idaacadda Radio hargeysa oo lagu bedeli qaybtiisii hore iyo qalabka TV Qaranka qaybtiisa baahinta tooska ee hawada.




Runtiina waa dedaal dib loogu cusboonaysiinayo qalabkii hore, waa horumar ay ku talaabsatay masuuliyiinta Radio Hargeysa, Tvga Qaranka guud ahaan Wasaarada Warfaafinta.




Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay imaanshaha qalabkan cusub iyo muhiimadiisa Maareeyaha TV-ga Qaranka Mr. Khadar Cali Gaas, waxaanu yidhi “Qalabkan cusub waxaanu ku bedeli doonaa qalabkii hore oo aan tan iyo xilligii asaaska TV-ga Qaranka wax dayactira ama wax ka bedela lagu sameyn, waxaana kharashka ku  baxay 100,000 $ (boqol kun oo dollar)  oo ah bajad awal hore meelo leexsan ku dhici jiray. Waanan ku faraxsanahay, waxaanan Insha Allah rajeynaynaa inuu baahinta tooska ee Satelite-ka wax weyn ka tari doono dadweynuhuna macluumaadka iyo wararka ay toos u dawaan doonaan guddo iyo dibbad baa, waana talaabo horumar ah oo wax weyn ku soo kordhinaysaa Idaacadda Radio Hargeysa iyo TV-ga Qaranka ayuu yidhi.




Idaacadda Radio Hargeysa iyo TV-ga Qaranka ayaa guud ahaan shacab weynaha reer Somaliland si toos ah ugu soo gudbinaayay ciyaaraha gobolladda dalka oo si toos ah uga socda Hargeysa Stadium iyadoo ka taageerayso shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel.




 




Cumar Maxamed Faarax
00252 24424148
252 2 9162495