Saturday, June 22, 2013

Home » Latin America » Lionel Messi: Waxa Kaliya Aan Ka Xumaado Waa Inaan Koob Adduun Ku Guuleysan. Lionel Messi: Waxa Kaliya Aan Ka Xumaado Waa Inaan Koob Adduun Ku Guuleysan.


Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay in armaajadiisa koobabka uu ka maqan yahay koobka adduunka.




Xiddiga reer Argentina oo isniinta 26 jir noqonaya ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga adduunka Ballon d’Or afar jeer oo isku xigta, laakiin waxa uu sheegay in waxa ugu weyn ee uu baahi u qabo inay tahay inuu hanto koobka ugu weyn kubada heerka caalami ee World Cup.




“Inaan ku guuleysto Ballon d’Or markii shanaad iyo inaan Koob Adduun la qaado Argentina, waxaan ka xigaa inaan Koob Adduun qaado” ayuu Messi u sheegay Corriere della Sera.




“Waxaan tabayaa Koob Adduun, waxaana ka xumaadaa taas.”




Inkastoo inta badan loo texgeliyo inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka xilligan la joogo, Messi ayaa sheegay inuusan gurigiisa ku daawan kubada cagta madaama xaaskiisa Antonella ay ku caajisto.




 




 




“Marnaba kubada cagta kama daawado TV. Antonella waa ay ku caajistaa. Marka aan guriga imaado oo aan u sheego inaan soo dhaliyay labo ama seddex gool, xitaa ima maqasho!”