Monday, June 17, 2013

Hobyo: Xaaladda amaanka oo Degen, ka dib Weerar Fashilmay oo lagu qaaday Saraakiil






Hobyo-(GNA)-Wararka ka imaanaya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya  in kooxo hubeysan ay weerar Gaadmo ah ku qaadeen Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.




Wararka ayaa sheegaya in Max’ud Max’ed Cali Guddoomiyaha Degmada Hobyo isaga iyo Saraakiil iyo Ciidamo la socday waddo ay ku socdaalayeen ay u galeen Maleeshiyaad aan haybtooda La’aqoon.




Guddoomiyaha la weeraray ee Degmada Hobyo oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi uu si gaadmo ah u dhacay,  hase ahaatee waxa uu meesha ka saaray in dhankiisa wax khasaarao ah uu ka soo gaadhay Weerarkaasi isagoo intaasi ku daray in iska cabin ay kaga hortageen Kooxihii weerarka ku soo qaaday.




Wararkii ugu dambeeyay ee Laga helayo Degmada Hobyo ayaa sheegay in xaalada amaanka hada tahay mid caadiya,, kuna suganyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug.




Gobanimonews




Muqdisho Office