Hargeysa(GNA)-Ciyaaryahanada Gobolka Togdheer ayaa xoriyadooda loo soo celiyay, ka dib afar Maalmood oo ay Xabsiga ku jireen.
Soo deynta Kooxda ayaa maalin uun ka dambeysay cabasho Waalidiinta Dhalinyaradaasi Madaxweynaha u gudbiyeen shalay oo ahaa in la soo daayo.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa horaantii todobaadkan amar in xabsiga loo taxaabo kooxda Gobolka togdheer, ka dib markii Khaakhuul Cunsuriyad qabyaaladeed salka ku hayaa dhexdooda soo galay.
Kabtan Kooxda Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in aragtiyo siyaasadeed iyo dano ay ka dambeeyaan Ashkhaas Asxaabta Mucaaridka ahi ka dambeeyeen Khilaafka kooxda Dhexdeeda ka kacay, waxaanu cadeeyay inaanu jirin wax dagaal ah oo Kooxda u dhexeeya, hase ahaatee la buun-buuniyay Xurguf ciyaaryahanada qaarkood dhex martay.
Kooxdan ayaa guud ahaan ka hadhay tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland ee ka socda Garoonka Hargeysa Stadium, ka dib markii Ciyaartii ugu horaysay laga badiyay, isla markaana kulamadii dame ee ay ciyaari lahaayeen Xadhigaasi ka baajiyay.
Waxaanu xadhigoodu dareen siyaasadeed iyo dood ku abuuray hanaanka Ciyaaruhu u socdaan, iyadoo ay Bulshada Reer Burco si weyn uga biyo diiday eedaha loo jeediyay iyo xadhiga lagula kacay Xulka ku ciyaaraya Magaca Gobolkooda.
Gobanimonews
Hargeysa Office