Wednesday, June 12, 2013

Hargeysa: Kaftanka Basaska, Kadeedka wadayaasha iyo Saamaynta korodhka Gaadiidka Dadweynaha.Q-1aad


Baabuurta Basasku waa Gaadiidka ugu badan ee ay dadku u isticmaalaan isaga gooshida daafaha magaalada, iyadoo baahi daruuriya inta badan bulshada u qabto adeega fududeynta socdaalka aan Magaalada dhaafsiisnayn.




Suuqa iyo Xaafaddaha Magalada ayay  isaga daabulaan dadka rayidka  ah, waxaanay ka baxaan ilaa lixdan istaan oo loogu talo-galay noocyadooda kala duwan.




Gaadiidkan oo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay suuq xaamiya ka helayay ayaad moodaa in wakhtigan cidhiidhi dhaqaale la soo darsay,ka dib markii ay Magaalada ku soo bateen Baabuurta yar-yar ee Tagaasida loo yaqaano oo ka garab Xamaasha, wallow wadayaasha Basaska qaarkood ay ku doodayaan inaanay shaqadooda waxba ka bedelin Korodhka noocyada kala duwan ee ay Bulshadu isticmaasho “wixii Ilaahay noo qoray ayuunu helnaa, baabuurta yar yar ee kalena waxay helaan tooda, laakiinse anigu ma qabo inay wax culays ah nagu soo kordhiyeen”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Wadayaasha Basaska waaweyn ee Caasimada Hargeysa oo Gobanimo la hadlay.




Baahi kasta oo loo qabay adeega Basaska waxa muuqata in maalin kasta dadka qaarkii go’aan ka gaadhaan inay dib ugu safraan, Kadeed iyo Karahsi ay kala kulmaan socodkooda oo ay Darawaliinta laftoodu dareensanyihiin dartii, laakiinse ay badanaa iska dhego maraan.




Kadeedka ama Kaharsiga safarka Basaska loo kala raaco Magaalada Hargeysa ayaa ka dhashay Dhaqaaq joogsi Waduhu gaadhiga ku wado isagoo hadba qoorta kala dhacaya daaqada oo quud-daraynaya qof taagan wadada hareerheeda oo buuxiya kursi ama boos yar oo ka banaan gaadhiga iyo qof Istaankii uu ka soo dhaqaaqay ka soo raacay oo waliba ku deg-degsan shaqo ama muraad kale oo hadii uu ka habsaamo Lugooyo ku dhacayso.




” Anigu Basaska Raacistooda waxaan iska daayay maalintii aan Baska Biibsiga u baxa fuulay lixdii mid istaanka taagan oo aan qof saarnayn dabadeed uu sideedii ila dhaqaaqay, anigoo ka habsaamay shaqo Jaamacadda iga talay, taasoo markaan ka habsaamay lacag laygu ganaaxay”sidaasi waxa yidhi Faysal Xiis oo ka mid ah Da’yarta Reer hargeysa.




Basaska isaga goosha xaafadaha caalamada ilaa suuqa, iyo kuwo u kala baxa Suuqa iyo jig-jiga yar oo dhawr istaan iyo wadooyin kala duwan mara ayaa ka mid ah Baabuurta wakhtiga dheer isaga socda Masaafada suuqa iyo Goobaha ay ka soo laabtaan isu jiraan, waxaana qof kasta oo raaca ka luma wakhti ka badan intii uu ugu talo-galay inuu dhex ku sii jiro,waxaanay maalin kasta wadayaasha isqardoofaan ugu yaraan shan ka mid ah rakaabka uu qaado fursad kasta oo uu baxo.




Sheeko dhex martay Nin wadde ka ah Bas u baxa Xaafadda Xero-awr iyo nin ka raacay Xaafadda Gol-jano ee 26 June , ayaa u dhacday sidan:




Rakaab: Waar Dhaqaaqdee




Wadde: Walaal waa la fuulayaaye dul qaado.




Rakaab: Waar ilaa saaka ayaanu kuu dul qaadanaynee soco Ileen Lacagbaad naga qaadaye.




Wadde: adiga lacagtaadu haday Jeebka ka baxdo waa Cagge sug lacagtaa ka tegi maaye.




Rakaab: dee waayahaye iska taagnow Lacagtayduna waxay kuu noqotoba u qaadoo.




Wadde: Fuula, fuula, walaal raali noqo waynu dhaqaaqaynaaye.




Labadan nin oo sheekadoodu intii ay socotay dadkii kale ee Gaadhiga saarnaa isu dhegeysanayeen, ayaa arintoodu u muuqatay Jiirna waa ka naf Bisadna waa ka ciyaar, waayo Ninka deg-degayay wuxuu ahaa sarkaal shaqo tag ah, Basluhu uu ka ahaa Nin isaga laftiisu ka fikiraya Masaariiftiisa, si u soo saarana ku Ilaaway Muraadka dadka  uu Mishiinka ku waddo oo laga yaabo in qof walba deg-deg hawleed ku jiray.




Doodad hex martay labadaasi nin markii ay dhamaatay ee mid waliba dhinac isaga jeestay, ayuu bilaamay Kaftan Waayeel oo aad  xiiso badan, kaasoo ay si weyn mar qudha u soo wada jaleeceen ilaa labaataneeyo qof oo gaadhi saarnaa.




Kaftankaasi oo ku bilaamay Hawraar iyo sheeko waayeel oo ay habar Gaadhiga saarnayd tirowday, ayaa ku bilaamay sidan:




“Haweenku waxay leeyihiin Sideetan (80) Furdadood oo sir ah,saddex ka mid ah ayay Naagtu Ninkeeda u furtaa, inta kale waxay xidhaa!..




La soco qormadan iyo qayb kale oo xiiso badan+ Sheekadan iyo dhamaadkeeda.




 Gobanimonews




Hargeysa Office