Tuesday, June 11, 2013

Hargeysa: Aqoon Korodhsi Maamulka iyo Diyaarinta Mashaariicda lagu Baranayo oo Furmay iyo Fariin laga gudbiyay


   Hargeysa(GNA)-Kulan hawleed lagu baranayo Diyaarinta iyo Maamulka Mashaariicda ayaa maanta ka furmay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaasoo uu furay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre.




Munaasibada furitaanka kulankan oo socon doona saddex maalmood, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Guuraaga, Maayirka Caasimada hargeysa, xubno ka socda Golaha Baarlamanka, Maayirkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo ilaa Konton ka soo qayb-gale oo ka kala yimi Goboladda Somaliland.








Aqoon korodhsigan oo ay bixinayso Hay’ada SYD oo fadhigeedu yahay waddanka Sweden, fulinayaana khubaro ku takhasusay Diyaarinta iyo Maamulka Mashaariicda, waxa furitaankiisii ka hadlay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, kaasoo ka waramay muhiimada ay Ururadda Bulshada u leedahay aqoonta Diyaarinta Mashaaricdu, isagoo xusay in Ururadda muxaliga ah ee wadanka iyo dawladaha hooseba baahi weyn u qabaan inay wax k bartaan hanaanka loo diyaariyo Mashaariicda.




Wasiirka Wasaaradda horumarinta Reer Miyiga iyo Ilaalinta Deegaanka Prof Maxamuud Siciid Gacamay oo halkaasi isaguna ka hadlay, ayaa sheegay in dhibaato ba’an lagu hayo deegaanka, loona baahanyahay in la sameeyo wacyi-gelin balaadhan iyo mashaariic dib loogu Unkayo Deegaan Nabaad ah oo daaqsin ay ka helaan Xoolaha nool ee ay Somaliland qaniga ku tahay “Waxaynu dhaqanaa Xoolaha nool oo aynu qani ku nahay Xooluhuna waxay u baahanyihiin Cunto ay cunaan, Dhulkiina Geedkii Xooluhu daaqayeen markii la dhamaystay waxa la marayaa kii ay hadhsanayeen, markaa  waxa loo baahanyahy in la xoojiyo wacyi-gelinta oo dadka Mashaariic shaqo loo abuuro”ayuu sheegay.








Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Cali Shirre oo gabagabadii isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aqoonta diyaarinta Mashaariicdu Ururadda aan dawliga ahayn iyo kuwa dawliga ahba faa’ido badan u leedahay, isla markaana hay’adaha Maal-gelinta mashaariicda bixiya qiimeeyaan qaabka loo diyaariyay Mashruuca laga soo dalbado “Hay’adaha iyo Dawladaha Mashaariicda bixiyaa waxay ku qiimeeyaan Mashaariicda laga soo dalbado qaabka loo diyaariyo mashruuca, in baahi loo qabo, Xisaab xidhkii ugu dambeeyay ee Hay’ada ama Ururka iyo sida loo waafajiyay qawaaniinta Deeqaha ama qaadhaanka iyo  qaabka loo maamulayo mashruucu inay qeexantahay, markaa waxaan rejaynayaa inaad dhamaan aqoonta qaabka loo diyaariyo mashaariicda halkan ku baran doontaan, waxaana loo baahanyahay inaad faa'ido sal balaadhan kala noqon doontaan”ayuu yidhi.




Dhanka kale, intii ay socotay munaasibada aqoon korodhsigaasi lagu furay, koox ka mid ah Fanaaniinta Qaranka, ayaa ku soo bandhigay Masrixiyada ka turjumaysa qiimaha deegaanka iyo Dhul-daaqsimeedku aadamaha u leeyahay, taasoo si weyn u soo jiidatay, isla markaana dareen ku beertay dadkii kulankaasi ka soo qayb-galay.




 Gobanimonews




Hargeysa Office