Gaalkacayo(GNA)-waxa Habeenkii xalay Gudaha magaalada Gaalkcayo lagu Gowracay Hooyo Dhashay 8 Caruur ah, taasoo Ninkeedu qoorta la jaray, iyagoo wada jooga gurigood.
Qoyskan ayaa Degen Xaafaddaha Konfurta magaaladda Gaalkcyo ee xarunta maamulka Gal-Mudug,waxaana marxuumadda magaceeda la odhan jiray Shukri Xaashi, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Dad ka mid ah Jiraanka xaafadaasi.
Lama garanayo sababta dhalisay Falkan oo argagax ku beeray Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacayo oo si weyn uga tiiraanyaysan, dhacdadan.
Ma jiro war ka soo baxay laamaha amaanka ee Maamulka Galmudug, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in gacanta lagu dhigay Gacan ku dhiiglaha Marxuumadda Khaarajiyay.
Gobanimonews
Garoowe Office