Saturday, June 22, 2013

Faysal A. Jaamac: Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu nagu yidhi Wax Cashuur ah laguma qaadi karo Caynabo.






Caynabo(GNA)-Maayirka Degmada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ayaa faahfaahin ka bixiyay muran dhinaca Cahuurta ah oo mudooyinkan dambe ka soo cusboonaaday Degmadaasi iyo Deegaanka Oog oo sida la sheegay loo soo wareejiyay Xafiisyadii  Cashuuraha Beriga iyo Dawlaha hoose ee degmada Caynaba.




Faysal Axmed Jaamac oo xalay Khadka telefoonka ugu waramay Mareegta Wararka ee Gobanimonews , ayaa sheegay in murankaasi mudo dheer soo taxnaa, balse uu bishan dib u soo cusboonaaday, ka dib markii Wasiirka arrimaha guduhu soo saaray Wareegtooyin isburinaya oo la xidhiidha qaabka ay Dawlada hoose ee caynaba Cashuurta Medeniga ah u qaadayso iyo mid uu ku joojinayo in Cashuur lagu qaado degmadaasi.




Maayirka oo ugu horayn ka waramay sababta khilaafkaasi dhalisay, waxa uu yidhi “ muranka ka taagan Cashuurtu wuxuu ahaa mid salka ku haya Khalad markii aanu xilka la wareegnay ku jiray qaabka cashuurta loo qaado, dabadeed Bishan dhawr iyo tobankeedii ayaa aanu Hargeysa nimi,  ka dib Wasiirka arrimaha gudaha ayaa warqad noo qoray lagu saxayo Khaladkaa, waxaanu amray inaanu joojino cashuurta Caynabo ka qaado deegaamada kale oo aanu Golle deegaan ahaan Cashuurno wixii Degmadayada hoos yimaad.




Waxaanu sharcigaasi soo baxay iyadoo Gaadhiga Oog lagu soo cashuuro Caynabana lagu cashuuro, oo khalad badani jiro”.




Faysal Axmed Jaamac isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay  “Sharcigaa Wasiirku soo qoray markii aanu soo qaadanay ee aanu Caynabo tagnay, sharcigii Habeen qudha ayuu shaqeeyay, waxaana subixii lay keenay Taar kale oo la leeyahay Oog ayaa boqolkiiba konton Cashuurta qaadaysa ee soo wareejiya dee oogna annaga ayaa u Golle deegaan ah, waxaanan filayaa in Go’aankaasi ka dhashay Shir ka dhacay Oog oo Badhasaabka iyo masuuliyiin kaleba ka qayb-galeen.




“markii Taarkaa cusub naloo keenay ayaa hadana murankii dib u bilaamay, laba maalmood ka dibna waxaa naloo keenay Taar kale oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka arrimaha Guduhu lagu yidhi wax cashuur ah noocay tahayba ma qaadi kartaan, sidaasi ayaana nalagaga joojiyay”.




Guddoomiyaha Golaha deegaanka Caynaba waxa kale oo uu qeexay Hanaanka uu saxda u arko ee ku saabsaan qaadista Cashuurta, isagoo ku dooday inaan dakhli Cashuureedka lagu qaado Degmada Oog aan la soo xarayn .




“markaa dee dalku sharcibuu leeyahay, sharcigaasina wuxuu dhigayaa in tuulooyinku ay cashuuri karaan dhul aan ka badnayn Masaafo dhan 5KM  oo dibada ka ah, Cashuurta oog loo wareejiyaana maaha mid sharciga saxda ah marta oo markiiba waa la kala goostaan oo maaha wax Qaranka u soo xarooda, dee Caynabana waa meeshii Gobolka laga maamulayay oo Dakhliga ka soo xerooda cashuuraha degmada ayaa Gobolku ku dhisanyahay”.




Ugu damayntii waxa uu meesha ka saaray in khilaafkani wax xidhiidh ah la leeyahay Mashaariicda Sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee laga bilaabayo Gobolka Saraar ee uu magaalo madaxdiisa Maayirka ka yahay.




“Murankani wax xidhiidh ah lama laha Sahaminta Shidaalka, hadaanu nahay golaha deegaanka ee degmadana door muhiim ah ayaanu beryahanba kaga jirnay sidii bulshada loogu wacyi-gelin lahaa inay soo dhaweeyaan Shirkadaha Shidaalka iyo Macdanta baadhaya, doraad oo u dambeysay ayaanan anigu kormeer ku soo maray deegaamada hawshaasi ka socoto, waxaanan cadaynayaa in Bulshadu diyaar u tahay oo soo dhaweynaayan arinta Sahaminta shidaalka.”ayuu sheegay.




Faysal Axmed Jaamac , ayaa Xalay markuu Wareysigan bixinayay ku soo jeeday Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu ku dooday in isaga iyo xubno ka tirsan Golaha deegaanku ay hargeysa u imanayaan sidii ay Madaxda ka saraysa ee Dawlada ugala hadli laahayeen in la xaliyo arintan, iyadoo la dabaqayo sharciga Qaranka uga yaala arimaha noocan oo kale ah.




Gobanimonews




Burco Office