Saturday, June 22, 2013

Daily Mail: Macalinka La Filayo Inuu Real Madrid Qabto Ancelotti Oo Doonaya Rooney, Iyo Rooney Oo Doonaya Chelsea.


Tababaraha la filayo inuu qabto Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka fiirsanaya inuu xagaagan u dhaqaaqo saxiixa Wayne Rooney hadii weeraryahanka aan ku faraxsaneyn Man United uu heshiis la gaari waayo kooxdiisa, sidaasi waxaa qoreysa jariirada Daily Mail.




Waxaana wargeyska uu sheegayaanaa in Rooney meesha uu jecel yahay inuu ku biiro inay tahay kooxda Jose Mourinho ee Chelsea hadii uu soo gabagabeynayo sagaalkii sanno ee uu la joogay United. Laakiin hadii uu meel ka baxsan England u dhaqaaqayo waxa saxiixiisa ugu cadcad ayay leeyihiin Real Madrid.




Labada kooxood ayaa awooda inay bixiyaan lacagta Rooney lagu iibsan karo oo ah 30 milyan ginni, waxaana ay sidoo kale bixin karaan mushaharkiisa oo gaaraya 250 kun ginni.




Tababarihii hore ee Chelsea Ancelotti ayaa la filayaa in isniinta si rasmi ah loogu magacaabo tababaraha cusub ee Real Madrid, waxaana gacanta loo gelin doonaa liiska ciyaartoyda Madrid diirada u saaran ee ay ku jiraan Rooney, Gareth Bale, Edinson Cavani iyo Luis Suarez.




 




 




Rooney oo qandaraaskiisa United ay labo sanno uga harsan tahay ayaa wadahadalo la geli doona macalinka cusub ee United David Moyes marka ay labada nin ka soo laabtaan fasaxa ay ku maqan yihiin maalmaha soo socda.