Friday, June 14, 2013

Daanyeerkii ugu Horreeyey ee Abid Beerka Doofaar Looga Beddelo


Daanyeer ku dhaqan dalka China, ayaa noqday daanyeerkii ugu horreeyey ee buugga dhacdooyinka gala, kadib markii si guul leh beerka looga beddelay doofaar khubaro beerkiisa si macmal ah u farsamaysay.




 




Cusbitaal la yidhaa Xijing Hospital oo dalka China ku yaal ayaa ku dhawaaqay in ay doofaar beerka uga beddeleen daanyeer.




 




Qalliinkan oo dhacay 28 May ayaa waqtigan la tilmaamay in daanyeerka xaaladiisu aad u fiican tahay, qalliinkaasna si fiican loogu guulaystay, waxaanay sheegeen khubarada fulisay in qalliinkan yahay kii ugu horreeyey noociisa ee adduunka ka dhaca.




 




Dhakhaatiirtan cusbitaalka Xijin waxay sidoo kale horraantii May isku dayeen inay doofaar beerka uga beddelaan daanyeer, balse daanyeerkii wuxuu dhintay intii qalliinka lagu guda jiray.




Sidoo kale tijaabo tan la mid ah ayaa horre loogu fuliyey dalalka Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Japan, halka bishii June dalka Koonfur Afrika wadne iyo kali doofaar looga beddelay laba daanyeer, balse xayawaankii uu uu aakhirkii dhintay, qalliinkiisuna qaatay 24 ilaa 25 maalmood.




Cusbitaalka Xijing ayaa arrintan bilaabay afar sannadood  ka hor, isagoo cilmi-baadhis ku doonaayey inuu ku ogaado in xayawaanka loo kala beddeli karo xubnaha jidhka.




 




Prof. Dou Kefeng oo hadlay kadib markii qalliinkay ay ku guulaysteen ayaa yidhi, Afar saacadood kadib qalliinka daanyeerku wuu neefsaday, waxaana nooga muuqday in xaaladdiisu aad u degen tahay.?




Daanyeerkan ayaa xaaladiisa wali ay kormeeraan dhakhaatiirta cusbitaalka Xijing si ay u ilaaliyaan in xaaladiisu wax ku soo kordheen.




Khubaradan waxay qorshaynayaan inay fuliyaan tijaabooyin dheeraad ah oo ay xayawaanka isugu kala beddelayaan xubnaha jidhkooda.