(GNA) Ciidamada Dowlada Siiriya iyo xulafadooda Xisbullah ayaa kadib guushoodii magaalada Qusayr Ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada Aleppo.
Magaalada Aleppo oo ku taal magaalada Waqooyiga dalka Siiriya, ahna magaalada ugu weyn ee dalka Siiriya, ayaa kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin xoogaga mucaaridka hubeysan ee la dagaalamaya xukuumada Bashaar Al Assad.
Todobaadkii tagay ayey mucaaridka isaga baxeen magaalada Al Qussayr oo ku taal wadada u dhaxeysa caasimada Siiriya ee Dimishiq iyo dalka Lubnaan, halkaasi oo ay muddo 17 maalmood ah dagaal xoogan kula galeen xoogaga Xisbuallah iyo ciidamada dowlada Siiriya.
Xoogaga Xisbullah ee ka dagaalamaya gudaha dalka Siiriya ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 5000 (shan kun) oo askari.