Sunday, June 16, 2013

Burco: 70 Macalin oo W.Waxbarashada ku Diiday inay ugu Shaqeeyaan $10 Maalmaha Imtixaanka oo kuwo Cusub lagu bedelay


Burco(GNA)-Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ayaa maanta si caadiya uga bilaamay Magaalada Burco iyo deegaamada Gobolka Togdheer, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobanimonews ee Gobolka Togdheer.




Bilwoga Imtixaankan ayaa ka dambeeyay xal Wasaaradda Waxbarashada Gobolku ka gaadhay cabasho ay xalay Macalimiintii loogu talo galay inay Ilaaliyaan imtixaanku ka muujiyeen Lacagta loogu talo galay maalmaha ay shaqaynayaan oo wasaaraddu wax ka dhintay.




70 Macalin oo ahaa Barayaashii Wasaaradda waxbarashadu u qorsheysay goobaha ay Imtixaanka ku gelayaan Ardayda dugsiyada sare dhamaysatay ee Magaalada Burco, ayaa xalay dib uga soo noqday halkaasi, ka dib markii ay diideen inay ku shaqeeyaan $10 maalintii, Wasaaraduna diiday inay kordhiso.




Diidmada Macalimiintani diideen Kharashka loogu talo-galay, ayaa sababtay in Maamulka waxbarashada ee Gobolku qoro kuwo cusub oo Ilaaliya Ardayda Imtixaanka gelaysa, kuwaasoo dhamaantood laga qoray gudaha Magaalada Burco, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha gobolka ee Waxbarashadu.




Ilaaliyayaasha cusub ayaa saakaba toos uga hawl-galay goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ee gudaha Magaalada taasoo meesha ka saartay walaac xalay saacadihii dmabe laga qabay inuu fashilmo Imtixaanka Burco.




Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada  ee Gobolka Togdheer oo Maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Reer burco go’aansadeen inay imtixaankooda Ilaashadaan oo aanay cidna ka sugin Taageero la xidhiidha fulinta Imtixaanka Shahaadiga ah.




 Gobanimonews




Burco Office