Friday, June 14, 2013

Booliiska London oo qabqabtay mudaharaadayaasha kasoo horjeeda G8


(GNA) Ciidamada Booliiska dalka Ingiriiska ayaa bilaabay hawlgalo ay ku qabqabanayaan mudaharaadayaasha kasoo horjeeda shirka wadamada qaniga ah ee G8.
Shirka sideeda wadan ee ku horumaray warshadaha ee G8 ayaa ka dhici doona waqooyiga Ireland 17 iyo 18 bishan June.




Ciidamada Booliiska ayaa shalay la wareegay daar ku taal bartamaha magaalada London halkaasi oo ay isku aruursanayeen kooxdan dooneysa inay mudaharaadyo ka dhigto dalkaasi Ingiriiska xiliga uu dhacayo shirka G8.




Hawlgalka Booliiska ayaa yimid kadib markii boqolaal kamid ah kooxahan kasoo horjeeda G8-ka ay socod dheer ku mareen bartamaha magaalada London, waxayna sidoo kale soo bandhigeen khariirad muujieysa goobaha ay degen yihiin shirkadaha waaweyn iyo warshadaha soo saara hubka, shidaalka iyo bangiyada ay ku eedeenayaan inay caburin ku hayaan caalamka oo dhan.




Kooxda kasoo horjeeda hogaamiyaasha wadamada horumaray ee G8 ayaa lagu yaqaan inay mar walba mudaharaadyo rabshado wata kala hortagaan shirarka G8ka ee ka dhaca wadamo kala duwan, waxayna Booliiska shalay baneeyeen daartii ay isku aruursanayeen kooxdan anti-G8 loo yaqaan.