Sunday, June 16, 2013

Badhan iyo Selel oo Baska Raacay iyo Hawd iyo Daad Madheedh oo ka mid noqday afarta Kooxood isku soo hadhay


Hargeysa(GNA)-Xulka Kubadda Cagta ee HAWDA  ayaa 1-0 ku diray Gobolka Badhan, wareega saddex dhamaadka Ciyaaraha Goboladda Somaliland.




Ciyaar aad u xiiso badan ayaa  ku dhex martay labada Kooxood Garoonka Hargeysa Staduim, taasoo ahayd mid si weyn u soo jiidatay Daawadayaasha.




Xulka Gobolka Hawd ayaa hafkii dambe ee Ciyaarta Gool ka dhashaday Badhan, balse dhinaca Xulka badhan oo isku dayay inay keensadaan Gool ama wax badan oo ay Guusha ku hantaan ayaanay u suurto gelin.




Dhinaca kale Xulalka  Daad-madheedh iyo Selel, ayaa ku kala baxay Rikoodhayaal ka dib markii ciyaar aad u kulul oo dhex martay isla dhaafi waayeen 1-1 oo ay Ciyaarta ku kala dhashadeen.




Rikoodhayaasha loo dhigay labada kooxood, ayaa sababay in Gobolka Selel, lagaga badiyo 5-4 gool oo Rikoodhe ku dhashay, ka dib markii Xulka Gobolka Selel laga qabtay Hal Rikoodhe.




Isreeb-reebka Wareega afarta ee tartanka ayaa waxa u soo baxay afarta xul ee Hawd, Daad-maadheedh, Maroodi-jeex iyo Gabiley, waxaana Maalinta Beri ah laga geli doonaa Nasasho, iyadoo Maalinta Salaasada dib loo bilaabayo tartanka.