Saturday, June 15, 2013

Baarlamanka Ethiopia Oo Cod Buuxa Ku Ansixiyay Heshiika Iskaashiga Wabiga Nile.


(GNA) Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta isku raacay ansixinta heshiis cusub oo loogu yeedhay iskaashiga wabiga Nile. Heshiiskan ayaa fududeynaya in biyaha wabiga si sharciga waafqasn loo adeegsado.
Waxaa uu heshiiskani lid ku yahay mid 1956-kii ay qalinka ku duugeen wadamada Masar, suudan iyo Ingiriiska kaas oo awood badan siinayey Qaahira iyo Khartoum si ay u isticmaalaan biyaha wabiga badnkooda.
Heshiiska maanta baarlamaanka Itoobiya meelmariyey ayaa waxaa saxeexay wadamada uu wabiga Nile maro marka laga reebo Masar iyo Suudan oo iyagu ka soo horjeeday.
Bereket Simon oo ah afhayeenka Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskan waa hore la rabay in la saxeexo, balse dib loogu dhigay intii dalka Masar ay ka dhici lahayd doorasho si furasad loo siiyo xukuumada Masar.
Dalka Masar ayaa dhawaan diidmo xoog leh ka muujiyey biyo xidheenka weyn ee Itoobiya dhisanayso. Xukuumada qaahira ayaa ku andacootay in aan lagala tashan arrintan islamrkaana ay talabadani yareynayso biyaha Masar soo gaadha. Waxa ay dawladu sheegtay in talaabo kasta oo lagu difaacayo biyaha Masar ay qaadi doonto.
Wasiirka arrimaha dibada ee Masar ayaa la filaya in uu booqasho ku yimaado Addis Ababa Axada inagu soo aadan si uu xaalada u dajiyo islamrkaana masuuliyiinta Itoobiyo ugala hadlo mowqifka Masar ee biyo-xidheenka Itoobiya.
Dalaka Itoobiya ayaa dhawaan ku guulaystay in ay soo leexiyaan kalli weyn oo biyaha u soo gudbiya biyo-xidheenka la dhisay oo noqonaya ka ugu weyn Afrika. Khubarada wada dhismaha biyo-xidheenka ayaa shaaca ka qaaday in 20% la dhamaystiray dhismahiisa.
Dhanka kale, madaxweynaha Yugaandha, Yewori Musefeni, ayaa dalka Masar uga digay in ay ka waantoowdo hanjabada ay ku hayso Itoobiya isaga oo xukuumada cusub ee Masar ku waaniyey in ayna raacin siyaasadahii khaladanaa ee xukuumadii hore