Wednesday, June 12, 2013

Baarlamaanka Switzerland oo sheegay in aaney qaabili doonin dadka magan galyo doonka ah


Switzerland(GNA) Warar ka soobaxay baarlamaanka dalka switzerland ayaa lagu sheegay in Dowlada Switzerland aaney  Aqbali doonin Dadka Magan Galyo doonka ah kadib codeyn  ku saabsan xaga sharci bixinta waxayna Goluhu soo saareen go’aamadaan hoos ku xusan.




1 in aan sharci lasiin kareen dadka kasoo carara dowladahoda




2 dadka kasoo carara ciidamo ama wax lamid ah




3 sidoo kale safaaradaha swiiska ee ku yaala dibadaha in aanan la codsan karin qaxootinimo .




4 in la sameeyo meelo u gaar ah dadka qaxooti raadiska ah inta go,aan laga soo gaadhayo,




Go,aamadaan ayey caqabad ku tahay dadka kusoo qul qulaya dalka Switzerland gaar ahaan dadka iminka ugu badan waxey ka imaanayaa dalka  SYRIA.




Si kastaba ha ahaatee dalka Switzerland ayaa lagu tiriyaa dolwlada aduunka ugu sharciga adag iyagoo qofka ka fiirsanaya marka ay qaabilaan kadib ,dhanka kale wadanka swiiska ayaa ah wadan aan si dheel dheel aheyn lagu bixin sharciga weyn waxaa jira soomaali mudo dheer ku nool hadana sharcuga dalku jooga ah ama sharciga dhabta ah  laakinsa haysta sharciyo yar yar .




Ugu dambeyntii dalka swisska waxaa ku nool kumanaan soomali ah kuwaas oo iminka haysta sharciyo kala duwan laakiin dadka qaar ayaa sheegaya waqtiyadii 2000 ilaa 2008dii aad beey u atkeed waloow 2008dii ilaa iminka soomaalida sifiican sharciga qaxootiga ah loosiiyay,,,  2011kii ayaa waxaa loo fasaxay soomaalida iyo dadka kale sida elatariyaanka haysta sharciyada qaxootiga ah iyo kan caadiga ah sida (F)  ineey eheladooda soo qaadan karaan waxaana durbadiiba wadanka laga dareemay kumanaan dad ah oo soomaali u badan oo lasoo qaaday ,laakiin iminka sida ay umuuqato waa la hakiyay