Tuesday, June 11, 2013

Baaq Ku Socda Dhamaan Dadka Reer Togdheer Meelkasta Oo Ay Aduunka Ka Joogaan…. Waa Inaan Iclaaminaa Shir Qaran Oo Lagaga Tashanaayo Aayaha Iyo Mustaqbalka Togdheer Kana Madaxbanaan Qabiil Iyo Beel Kuna Salaysan Qaranimo Iyo Midnimo Waarta.


Anigoo ah Muwaadin  Reer Somaliland ah islamarkaana kasoo jeeda Gobolka Togdheer Magacayguna Yahay Maxamed Cilmi Xassan (Shiine)  Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda reer Somaliland meelwalba oo ay aduunka ka joogaan gaar ahaan kuwa reer togdheer.




Waxaan Maanta qalinka u qaatay  ka dib markii aan u adkaysan waayey Arimo badan oo jira Awgood kuwaas   oo ceeb iyo fadeexad ku ah  Sumcada iyo Sharafta ay leeyihiin Dadka reer Togdheer waayo sida laga wada dheregsan yahay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco waa halkii laga Aasaasay  Jamhuuriyada Somaliland waa Bartii laga taagay Calanka Somaliland, Hadana waxaa maanta soo Food saartay  Bulshada ku dhaqan Togdheer  Ceeb iyo in lagu Xanto Qabyaalad iyo Kala Qeybsanaan, waxaana laga dheehday Ciyaartowgii ku Ciyaaraayey  Magaca Xulka Gobolka Togdheer  inay saami qaybsi ku sameeyaan habciyaareedka gobolka togdheer taasi waa wax laga naxo.




Hadaba Anigu Shikh Ahaan  Maanta waxaan halkan doonayaa inaan Baaq u diro  Dadka reer Togdheer Salaadiintooda, Cuqaashooda, Aqoonyahkooda, Siyaasigooda, Abwaanadooda, Dhalinyaradooda, Haweenkooda, iyo Dhamaanba Shacabka reer Togdheer meel kasta oo ay aduunka k ajoogaan inay Iclaamiyaan Shir Qaran  oo lagaga Tashanaayo Aayaha  Iyo Mustaqbalka Gobolka Togdheer  Shirkaasi Oo Ka Madaxbanaan Qabiil Iyo Beel balse Saldhigiisu yahay Sidii ay Dadka Reer Togdheer Uga Bixi Lahaayeen Tuhunka Qabyaaladeed ee  Manta Lagu Xamanaayo.




Baaqani waa Mid ku Wajahan Dhamaan Dadkaasi oo soo Xusnay waana mid Dan u ah  Mustaqbalka iyo Nolashada Dadka Reer Togdheer waxaan rajaynayaa anoo dadka reer Togdheer ku aqaanay Ficil iyo Karti inay Arinkaasi ila qaataan islamarkaana ay kaga dhabeeyaan Shirkaas  sida ugu dhakhsaha badan loo Iclaamiyaa iyadoo loo daba fadhiisanaayo  Dadka Indheer Garadka ah.




Waxaan ka Digayaa inaan Aragtidayda loo  Turjuman Dhanka xun balse loo eego dhanka wacan  waa Fikir kasoo maaxday Maskaxdayda iyo Maankayga markaan arkay  Xaalada maanta iyo  Fadeexada aan indhaha laga qarsan Karin ee  Ku shaanbadaysan  Dadkii Reer Togdheer, Waxaan leeyahay  Dadka Reer Togdheer  Noqda Ul iyo Diirkeed .




Wa Bilaahi Towfiiq.                                                           




Waa Qalinkii: Maxamed Cilmi Xassan (Shiine)




Burco/Somaliland




Shiine1433@hotmail.com