Wednesday, June 12, 2013

Axmed Madoobe: Dagaalkii Kismaayo ka dhacay waan ka xumahay, Shirka IGAD-na Jubaland way ka qayb-gelaysaa


Kismaayo(GNA)-Wafdi uu hogaaminayo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo kamid ah masuuliyiinta sheeganaya inay yihiin madaxweynaha Jubaland State ayaa  maanta ku soo laabtaay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiyaha Raaskaambooni  ayaa saxaafada  kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo,isaga oo ka warbixiyay kulamadii uu Magaalada Nairobi kula soo qaatay madaxdii uu la kulmay oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu Nairobi  shirar kula soo qaatay Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweynaha maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaasoo ay dhawr arimood ku saabsan marxalada dalka iyo xiisad Goboladda jubboyinka k a wada hadleen

Wadaadka ayaa  tilmaamay inay Jubbaland  diyaar u tahay inay qeyb  gasho shir uu sheegay in uu urur goboleedka IGAD fududeynayo oo Muqdisho ka dhacaya, kaasoo looga  arrinsayo ismari waagga siyaasadeed ee Jubbooyinka ka taagan.

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale,  muujiyey in uu ka xun yahay dagaalladii horraantii toddobaadkan ka dhacay Kismaayo, isagoo tacsi u diray ehelada dadka ku geeriyooday, kuwa ku dhaawacmayna caafimaad u rajeeyey.




Ilaa saddex Madaxweyne sheegte oo ku wada sugan Kismaayo, haystana Hub iyo Ciidan awood badan, ayuu ka mid yahay Sheikh Axmed Madoobe, balse muu cadayn qorshaha uga yaala dagaallo mar kale ka dhaca Gobolkaasi iyo hadii ay iska dhacaan raga kale ee Madaxweyneyaasha sheeganaya.




Gobanimonews




Hargeysa Office