Saturday, June 22, 2013

AMIIRKII MUUMINIINTA CUMAR BIN KHATAAB IYO NINKII SAXAARAHA MARAYEY IYO WAXII KALA QABSADAY.qiso.


SALAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH. Salaan ka dib dadka wanwanaagsan taariikhdoodu waxay u fiican tahay maskaxda aqoontaadana way kordhisaa sida aad u fakaraysidna wax bay ka badalaan ,




Marka aqooni kuu koradhaba sidaad u fakari jirtay way is badashaa .




Dadna waxaa u fiican hogaamiyayaashii ummadani maxamed s,a,w oo taariikhdooda la barto lana dhagaysto laguna daydo wax weyn baa iska kaa badali




Waxaa la yidhi maalin maalmaha ka mid ah baa nin socota ahaa ayaa isagoo dul maraya madiina ayaa xaaskiisii fool qabatay , markaa bartii ayuu waab yar ooga sameeyey oo go dul saaray si qoraxda ay ooga celiso,




Waxaa la yidhi amiirul muuminkii cumar r,c, oo ahaa nin umada uu xukumo aad iyo aad ooga war haya oo jecel inuu ogaado waxay ku sugan yihiin habeen iyo maaliba ayaa isagoo kormeer ah waxaa uu arkay go,a meesha laga taagay, gacan yarahiisii buu yidhi ina mari soo eegno teendhadaasiye , waa lays raacay waxay u tageen nin banaanka jooga iyo gabadh gudaha ku jirta cumar baa weydiiyey xaalkooda waa uu u waramay ninkii amiirul muuminiinkii markiiba waxaa uu bilaabay sidii loo caawin ;lahaaa gabadha waxaa uu u tagay xaaskiisii oo yidhi dhakhso u soo baxa aad jano heshide waxaa ay soo qaadeen daqiiq iyo saliid cumar gabadhii waxaa uu yidhi u gal gabadha isna waxaa uu bilaabay dab shidi iyo kimis dubid waana uu u sameeyey isaga laftiisa amiirka ayaa dubay .




Markii wax yar la joogay xaaskii cumar baa tiri yaa amiirul muumin saaxiibkaa xaaskiisii wiil bay dhashay ninkii socotada ahaa baa u qaadan waayey amakaak iyo fajac ninkani dabku kuu soo duul duulayey gadhkiisa ee sidaa kuu caawinayaa amiirul muuminkii ah adduunkaba ugu xukunka weynaa waa yaabay isagoo marba dhinac u dhaqaaqi oo leh waa arrin yaab leh ma adigaa amiirul muuminn ah cumarna uma jawaabin waxaa uu ku yidhi arrin ka sii yaabisay u gee cuntada xaaskaaga barina ilmahaaga lacagtiisii u soo doono baytul maalka waayo waqtigii cumar laftiisa ayaa baas gareeyey ilmo kastoo muslin ah oo dhasha iyo mid yarba in la siiyo lacag bil walba taasina way ka sii yaabisay waliba ilmahaagii baa lacag laguugu darayaa ,




Ninkii u horeeyey ee soo saarao lacag ilmo loo qoro iyo lacagta dadka waaweyn la siiyo waxaa soo saaray amiirul muuminkii cumar bin khattaab r,c, ee maanta reer galbeedku ku rarayeen waa xigmad islaamka ka luntay




Waxaa aynu ku kala tagi doonaa dawladaa islaamka ee amiirul muuminku ahaa cumar dawladiisu may lahayn lacag ay soo daabacdeen kow may lahayn beero ay adduunka kale wax u iib geeyaan may lahayn biro wax ay lahaayeen ma jirto oon ka ahayn xukun fiican haddana dadkii uu xukumayey caruurihii ay dhaleen oo dhan buu lacag u qoray dadkii waaweynaa oo dhan lacag baa loo qoray dadkii oo dhamina cadaalad iyo sinaan bay ku noolaadeen , haddii la helo xukun fiican ictiraaf looma baahan loomana baahna deeq ka timaada kiniisadaha gaalada loomana baahna hayado reer galbeed ah oo ciday u adeegi la garanaynin loomana baahna adduun kaloo aynu wax ka sugnee ilaahay baa inoo barakaynlahaa waxaa aynu haysano waa haddii la helo dadkii wanwanaagsanaa oo ummadadani maxamed sa.a.w dib ugu qabta xukunka ay ainooga tageen dadkeenii wanwanaagsanaa dhaxalkoodii sida amiirkeena cumar oo kale ooynu halkaas ka anbaqaadno




Fuad farah jawi




Canada Ottawa