Wednesday, June 19, 2013

Al-shabaab: Mujaahidiinta ayaa la Wareegay Xarunta UNDP


Muqdisho(GNA)-Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar weyn oo maanta lagu qaaday xarun ta ugu weyn Q.Midoobe ay ku leedahay dalka Soomaaliya.




War goordhaw lasoo dhigay bogga Twitterka Xarakada Al Shabaab HSMpress1 ayaa lagu sheegay in ciidamo istish-haadiyiin ah iyo kuwa inqimaasiyiin ah ay gudaha ugaleen xarunta UNDP islamarkaana ay la wareegeen gacan ku heynta dhismaha Q.Midoobe.




“Katiibada istish-haadiyiinta ayaa gudaha ugashay xarunta UNDP dhammaan dhismaha xarunta waan lawareegnay,ilaah fadligiis mujaahidiintu waxay gacanta ku dhigeen dhammaan wixii saraakiil caddaan ahaa ee gudaha xarunta ku sugnaa”ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay xafiiska warfaafinta XSHM.




Warka kasoo baxay mujaahidiinta waxaa lagu xaqiijiyay in ciidanka gaarka ah ee mujaahidiinta ay qabsadeen xaruntii ugu weyneed Q.Midoobe ee Soomaaliya taasi oo ka dhigan in dhabarka laga jebiyay qorshihii shisheeyahu ka damacsanaayeen dalka Soomaaliya.





Gobanimonews
Muqdisho Office