Tuesday, December 16, 2014

Xukuumada oo ciidamo hubaysan u dirtay Gobalka Awdal+suldaankii oo samaystay ciidamo kale+ugaaska awdal oo taageeray suldaan wabar

Boorama (GNA).Wararka hada naga soo gaadhaaya magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal ayaa sheegaaya in uu Ugaaska guud ee beelaha samaroon uu taageero u muujiyay Sudaan Wabar oo ay xukuumada somaliland, hada raadinayso islamarkaana ku jira buurlayd gobalka Awdal ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu somaliland ka goostay isaga iyo beeshiisu.
dhinaca kalana xukuumada somaliland ayaa maanta magaaalada boorama gaadhsiisay ilaa 20 tikniko ah oo ka tirsan ciidamada qaranka somaliland kuwaas oo xalay saacadahii dambe gaadhay magaalada boorama, ciidamadan ayaa la sheegay in ay xoojindoonaan kuwo hore xukuumadu halkaasi u gaadhsiisay iyada oo la filaayo in xukuumadu hada ay awood mulatari u adeegsandoonto suldaanka, xubno ka tirsan golaha wasiirada somaliland, oo ay xukuumadu ugu dirtay xal raadinta arinta suldaanka ayaa iyagu ku fashilmay inay wax go,aan ka gaadhaan suldaan Wabar iyo kooxdiisa,iyada oo shacabka reer booramana ay ka muujiyeen cabasho xoogan qaar ka mida wasiirada loo diray halkaasi oo ay ku eedeeyeen inay xaalada sii qasayaan.
geesta kalana waxa habeenkii xalay ahaa xabsiga mandheera loo dhaadhiciyay dhalin yaro habeen hore ay ciidama boolisku khaasatana kuwa RRUyada ee ku sugan magaalada boorama ku qabteen magaalada boorama kuwaas oo hada ku jira mandheera iyada oo aan wax maxkadamada la gayn,waxaana sidaa shabakada Gobanimonews.com u xaqiijiyay muwaadin ku sugan magaalada boorama wararka kale ee ay shabakada gobanimonews ka helayso gobalka AWdal gaar ahaan magaalo madaxda Boorama ayaa tibaaxaaya in xaaladu hada tahay mid cakiran oo ka sii daraysa iyada oo khal khalka ugu badani uu ka taagan yahay ciidamada tirada badan ee xukuumadu ku dhoobtay magaalada Boorama.
kala soco wixii ka soo kordha wararkaasi ..gobanimonews.com saacadaha soo socda.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland.
Herersax@gmail.com