Tuesday, December 30, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar

IMAAMNKA ASHAR'Qaahira, 30 Disembar, 2014 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshey Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar Al Sheikh Ahmad al Tayyib.



Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Imaamka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkeedii ay ku lahayd Soomaaliya.



Imaamka Al Azhar, Al Sheikh Ahmad al Tayyib, ayaa sheegay in Azhar diyaar u tahay inay gacan ka siiso Soomaaliya dhinacyada barashada diinta iyo culuunta kale ee maaddiga ah sida caafimaadka, sayniska iyo kuwo kale.



Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Azhar baal dahab ah ay ka gashay taariikhda Soomaaliya, shacabkuna ay tabayaan macalimiintii, imaamyadii iyo khubaradii Azhar ee ka hawlgeli jirey dalka.



"Waa hubaal in Azhar oo si buuxda ugu soo laabata waddanka ay keeni karto in la soo afjaro jahwareerka xagga diinta ee dadkeenna ku dhacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, si meesha looga saaro fikradaha qaldan ee shacabkeena kala geynaya. Waxaan nahay shacab Muslim ah, diinta islaamkuna waa diin nabadeed". Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



Imaamka Al Azhar ayaa ku boorriyey Soomaalidu in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda dalkooda, shacabkoodana ay u horseedaan nabad buuxda, sida diinta Islaamku ay qabto.IMAAMKA ASHAR



Kulanka waxaa kale oo ka hadley Wasiirrada Caddaaladda iyo Tacliinta Sare
ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.