Tuesday, December 30, 2014

Hogaankii 7Aad ee Dalada dhalinyarada Sonyo oo loo doortay Gobalada darafyada dalka+garab kale oo isna doortay hogaan ka soo horjeeda oo taabacsan gudoomiye cirro.

Hogaankii 7Aad ee Dalada dhalinyarada Sonyo oo loo doortay Gobalada darafyada dalka+garab kale oo isna doortay hogaan ka soo horjeeda oo taabacsan gudoomiye cirro.
,Garab kale oo doortay C/casiis oo uu watay gudoomiyaha xisbiga waddani ciroo iyo aqlabiyada oo doortay siyaad cumar cali,
garabkii cirro watay oo kala jabay ka dib doorashadii siyaad cumar cali iyo ku xigeenkiisa C/qani,
siyaad cusub gudoomiye sonyosoyno23 codayntaergooyinHargaysa(GNA).iyada oo maal mahii u dambeeyay la isku mari la,aa doorashada hogaanka 7aad ee dalada dhalin yarada Somaliland,ee Sonyo, oo uu ka dhex jiray khilaaf u dhexeeya xubnaha sar sare ee hogaanka dalada Soyno kuwaas oo isku maan dhaafay nidaamka doorashada hogaanka dalada islamarkaana u kala baxay garabyo iska soo horjeeda oo la sheegay inay kala taabacsanyahiin Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka qaarkood,oo iyagu lug ku lahaa shirweynaha todobaad ee dalada Dhalin yarada Somaliland,ee Sonyo.
goolaaftan iyo muran xoogan oo dhex maray labada garab ka dib markii la isku fahmiwaayay in dhan la isku raaco ayaa waxay saaka labada garaba kala doorteen laba hogaamiye,iyada oo garabkii watay aqlabiyada xubnaha dalada iyo ergooyinku ay xarunta Dalada Dhalinyarada sonyo ku doorteen hogaanka maamulidoona labada sonno ee soo socda dalada dhalinyarada Somaliland,ee Sonyo,Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen kuwaas oo ka soo kala jeeda Gobalka Awdal iyo Gobalka Sool iyada oo gudoomiye loo doortay mudane.Siyaad cumar cali oo ka soo jeeda gobalka Awdal ee galbeedka Somaliland halka gudoomiye ku xigeena loo doortay mudane. cabdi qani maxamuud jiir oo ka soo jeeda Gobalka Sool ee bariga Somaliland.
Shirkan oo furmay abaaro 11.00 subaxnimo ee maanta ayaa waxa furitaankiisi ka hadlay gudoomiyahii hore ee dalada dhalinyarada Somaliland, soo hogaaminaayay labadii sanno ee hore oo noqonaya gudoomiyahii lixaad ee dalada qabta hogaankeeda mr, Siciid taani isaga oo ergooyinka oo tiradoodu dhamayd 66 ergo ku dar daaray inay doortaan hogaanka cusub ee badalidoona hogaankii hore,kaas oo uu ku tilmaamay inuu noqondoono hogaanka sharciga ah ee ay iyaguna aqoonsandoonaan,isaga oo mr.taani sheegay in xubno tira yari ay wadaan qas iyo khalkhal ay doonayaan inay ku hakiyaan doorashada hogaanka dalada dhalinyarada Somaliland ee Qaran ee Sonyo.
ka dib markii la doortay gudida shirgudoomindoonta shirka oo ka koobnayd sided(8)xubnood ayaa waxa si toosa loo guda galay doorashada hogaanka dalada iyada oo golaha dalada loo ansixyay 14 xubnood halka markii dambe la guda galay in la doorto gudoomiyaha iyo ku xigeenka waxaan jagada gudoomiyenimo isku soo taagay Siyaad cumar cali mana ay jirin cid la tartantay waxaanu helay codka loo qaaday oo dhamaa 66 Cod.
gudoomiye ku xigeenka ayaa isna loo doortay mr. cabdi qani maxamuud jiir .
ka dib markii ay soo dhamaatay doorashadii hogaanku waxa halkaasi khudbad ka jeediyay gudoomiyahii hore ee dalada sonyo siciid taani oo sheegay inuu si rasmiya ugu wareejindoono hogaankii dalada sonyo gudoomiyaha cusub ee loo doortay dalada sonyo.
gudoomiyaha cusub ee isna la doortay mr. siyaad cumar cali ayaa isna sheegay mahad naq ka dib inuu la shaqayndoono garabka kale ee ka cadhooday shirka ee doortay hogaanka kale.
geesta kala waxa iyaguna gudoomiye doortay garab kale oo la sheegay inuu dabada ka waday xisbiga waddani oo doortay nin la sheegay inay isku hayb yahiin gudoomiyaha xisbiga waddani c/raxmaan Cirro,oo isagu dabada ka waday garabka kale balse ma uu helin aqlabiyada ergooyinka dalada dhalin yarada sonyo, sidoo kale waxa agagaarka shirka lagu arkaayay xubno ka tirsan xisbiga waddani oo iyagu ka dhex muuqday shirka garabka kale ee ku doortay hotelka xaraf ee magaalada hargaysa iyada oo ay goobta ku sugnaayeen xubno ka tirsan saraakiisha xisbiga waddani eek u magacaaban garabyada dhalinyarada xisbiga waddani,balse waxa muuqda in ay ku hungoobeen mooshinkii uu waday xisbiga waddani.
xisbiga waddani ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanaa faragalin xoogan oo uu ku hayay Dalada dhalinyarada sonyo iyo shirweynahooda 7aad balse walaw aanu dhaq dhaqaaqoodu guulaysan.
dhinaca kalana warka ayaa intaasi ku daraaya in xukuumadu qudheedu ay gacan ku lahayd shirweynaha Dhalinyarada Somaliland ee SONYO,iyada oo la tibaaxaayo inay xukuumadu garabsiinaysay garabka watay Aqlabiyada ergooyinka Dalada Sonyo,oo ah kuwa ku guulaystay hogaanka cusub ee dalada dhalinyarada sonyo.
isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee hogaanka dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo mudo Toban son(10yrs)ah loo doorto masuuliyiin ka soo jeeda gobalada darafyada dalka Somaliland ee bariga iyo galbeedka iyada oo arintan ay soo dhaweeyeen dadka u dooda arimaha dimuquraadiyada dalka.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office.
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com