Sunday, December 28, 2014

Shirweynaha SOLJA-da Madaxbanaan oo la Iclaamiyay

AADAN CABDIHargeysa(GNA)-Afhayeen u hadlay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa iclaamiyay in todobaadka soo socda uu qabsoomayo shirweynaha shanaad ee Ururkaasi, waxaanu ku dhawaaqay Guddida qaban-qaabada oo ka kooban todoba xubnood.



Aadan Cabdi Ciidle oo xubin ka ahaa Guddidii la kala diray ee qaban-qaabada shirkaasi oo dhowr xubnood oo ka mid ahi qabsadeen xaflad loogu caleemo saaray hogaanka Ururka SOLJA, ayaa sidoo kale cambaareeyay afduubka lagu sameeyay magaca Ururkan.



"anigoo ku hadlaya afka Guddoomiye ku-xigeenka Ururka SOLJA, iyo Xoghayaha guud waxaan saxaafadda madaxavbanaan ee somaliland u sheegayaa inuu todobaadka soo socda qabsoomayo shirweynihii shanaad ee urueka SOLJA" ayuu shir-jaraa'id ku sheegay Aadan Cabdi Ciidle, isagoo ku dhawaaqay Guddida qaban-qaabinaysa shirka.



Halkan hoose ka Daawo: