Wednesday, December 24, 2014

Musharax u tartamaya Golaha Wakiillada oo laysku waafaqay

 “Waxaan noqon doonaa nin aan keligii tashan, ee talada reerka ka soo qaataa,. ninkasta oo reerka ka tirsanina tallo iyo tusaale-ba uu ila iman karaa” Murrashax Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey)



a1Hargeysa(GNA):- Beesha reer Axmed Nuux Sacad Muuse ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay murrashaxa doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota u meteli doonaa inuu yahay Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), kadib markii Guddida beeshu kala saareen xubnihii ku loolamayay murrashaxnimada.



Casuumad Hadhimo sharafeeda oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay, Guddida beesha reer Axmed Nuux, Aqoonyahano,Cuqaal,Ganacsato,Dhalinyaro, Odayaal iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.



Aqoonyahan Cabdilaahi Cabdi Muuse oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay guddida beesha iyo weliba murrashaxa ay isku raaceen inuu u tartamo doorashada Golaha Wakiillada iyo weliba xubnihii tanaasulay, waxaanu yidhi “Inaanka aynu isku raacnay inuu u tartamo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socta, ee aynu maanta halkan u joogno xiniinyo kuwa uu leeyahay maaha ee waa kuwa la la garab taagan yahay, reer Ahaan waxaynu isla garanay inaynu nin kaliya doorano, oo haddii aynaan qalbiga ka dooranin ma dooran karno, maalinta ay ololaha doorashada Wakiillada gaadho haddii aanu ninkasta halkiisa ka soo dhaqaaqin cid ma soo saari karno. Markaa waxay ku fiican tahay inaynu deegaankeena iyo dedaalkeena is garab taagno,”



“Waxaan aad iyo aad ugu kal-soonahay murrashax Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) inuu yahay inan ogol tallo, waxna dhageysanaya, haddii uu qofku wax dhageystana wax ayuu gudbin karaa.Sidaynu ugu midownay murashaxnimada Golaha Wakiillada ayaynu wax kastana ugu midoobi doonaa”.a2



Eng. Axmed Warsame Siciid, ahna Guddoomiyaha Guddida Beesha reer Axmed Nuux Sacad Muuse oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola-cadeyn ayaa waxa uu u mahad-celiyay dhamaan-ba hal-doorkii ka soo qeybgalay casuumada qado sharafta, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa ciddii soo abaabushay ee halkan isugu keenkeentay ee aynu kuwada qadeyno. Waxaad ogeydeen in laba inan han-siyaasadeed la soo baxeen oo ay dooneen inay isu soo taagaan murrashaxnimada doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socotaa, iyaga oo matalaya Reer Axmed-Nuux (Sacad Muuse), innaga oo ka duulayna midnimada Reer Axmed-Nuux ahna reer soo jireena oo runtii magaciisuna aad u weyn yahay, ayaanu kala saarnay, waxaanuna isla garanay inuu doorashada soo socota uu beesha metelo Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey)”.



“Waxaanan u mahad-celinayaa murrashixii tanaasulay, ee muujiyay geesinimada, taasina waxay noo tahay sharaf iyo karaamo guddi ahaan iyo reer ahaan-ba”.Ayuu yidhi Eng Axmed Warsame Siciid.



Sidoo Kale “Waan u mahad-celinayaa intan oo reerka Axmed-Nuux (Sacad Muuse) ah oo daadihinaya murrashaxa Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), oo u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee Soo socota,waayo waxaad muujiseen Geesinimo,muwaafaqo reerkiina gudihiisa, waanaan idinku hambalyaynayaa, waxaanan leeyahay reer Kale sida reerkan Axmed-Nuux noqda oo murrashixiintan is barbaryaacaysa soo kala saara”



Siyaasi Rashiid Aadan Dheri oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyay ciddii soo qaban-qaabisay Casuumadan qado-sharafta ee lagu soo bandhigay murrashaxa doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota u meteli-doona Beesha reer Axmed Nuur Sacad Muuse, kaas oo ah Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey), “Murashaxan reer Axmed-Nuux Sacad Muuse isku raacay inuu u metelo doorashada Golaha Wakiilalda Somaliland ee Soo socota oo ah Maxamed Maxamuud (Gurey) waxaan leeyahay maanta guushaadii way muuqataa, ee ha welwelin. Waxa sharaf mudan guddida uu hogaaminayo Eng Axmed Warsame Siciid ee soo kala saartay labadii inan. Waxa lama ilaawana Axmed Daahir Cilmi oo si shakhsi ah u go’aansaday inuu inaadeerkii uga hadho.iyada oo looga maari-waayay inay jirto midnimada Reer Axmed Sacad Muuse in la isku tanaasulo, waana wax hirgalay oo inan waloo danbaba laga sugayo”.



Waxa isna halkaasi ka hadlay Mustafe Jaamac oo ka mida odayaasha reer Axmed Nuux oo soo dhaweeyey murrasahaxa ay beeshiisu isku raacday inuu u tartamo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota. “Maanta reer Axmed Nuurx waa mid kaliya oo israacay, wax is-barbar carara malaha. Tawfiiqda uu ILAAHAY na siiyayna waynu ugu mahadnaqaynaa”.



Saleebaan Xuseen (Sallo) isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-celiyay guddida beesha reer Axmed-Nuux Sacad Muuse iyo murrashaxa loo soo xulay inuu reerka u metelo doorashada Golaha Wakiillada ee soo socotaa, waxaanu yidhi “Waxaan idinku duceynayaa tawfiiqda,wada-jirka iyo midnimada inuu ILAAHAY inoo xoojiyo ayaan idinku ducenayaa”



Murrashaxa doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socotaa ay beesha reer Axmed Nuux Sacad Muuse isku raacday inuu u metelo oo ah Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola-cadeyn xad-dhaafa oo ka hadlay munaasibadaasi qado sharafta ayaa waxa uu yidhi “Maanta waa maalin igu weyn, aad iyo aad ayaan u faraxsanay, waayo waxay reerkaygu gebi ahaanba isku raaceen inaan noqdo murrashaxa kaliya ee u meteli doona doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland, waad I qiimayseen, waad I sharafteen waxaanan idin leeyahay ILAAHAY idinkana ha idin sharfo”.



“Marka hore in qofka la doorto waxna uu dooran karaa waxa ay ka mid-yihiin xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman-yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, ayaan isu soo sharxay murrashaxnimada doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota reerkiina way igu taageereen, kadib markii ay guddida reerku iga reebeen ninkii kale ee igula loo lamayay murashaxnimada”.Ayuu yidhi Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey)



Murrashax Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) waxa uu ballanqaaday inaanu noqon doonin nin keligii tashada, balse uu reerka uu kala tashan doono wixii tallo iyo tilmaan ah“Waxaan noqon doonaa nin aan keligii tashan, ee talada reerka ka soo qaataa, waxaan noqon doonaa nin amarkasta ka soo qaata reerkiisa oo reerku leeyahay u hogaansan. ninkasta oo reerka ka tirsanina tallo iyo tusaale-ba uu ila iman karaa. Xaniinyuhu maaha kuwa aan ku socdo, ee waa kuwa layla garab taagan yahay.”



“Tolkay waxa kaliya oo aan ka codsanayaa, in la dhowro midnimada reer Axmed Nuux (Sacad Muuse), oo la isku duubnaado si horumar loo gaadho”.Ayuu yidhi