Wednesday, December 24, 2014

Suxufiyiin lagu Baraarujiyey doorka Bulshada ee ay lumiyeen

"in Saxaafaddu lumiso doorka Bulshada waxa ka masuul ah Mulkileyaasha iyo Tafaftiretaasha...Saleeban Xaashi



suxufiyiin3Hargeysa(GNA)-Akaadimiga Nabad iyo horumarinta Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ugu qabtay aqoon korodhsi   Suxufiyiin tiradoodu gaadhayso kontomeeyo oo ka kala socday laamaha warbaahinta ee dawladda iyo kuwa madaxbanaan.



Tabobarkan oo muddo laba maalmood ah ka socday hudheelka Guuleed, waxa qabanqaabiyey Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, gaar ahaan qaybteeda maqal iyo muuqaal, kaasoo xoogga lagu saaray sidii saxaafaddu u gudbin lahayn barnaamijyada iyo macluumaadka khuseeya arrimaha bulshada, maadaama hadda aad looga hadlo arrimaha siyaasadda oo aanay inta badan warbaahintu muhiimadda siinin baahinta baahiyaadka bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddanka.



Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ahna ku-simaha wasiirka warfaafinta iyo Agaasimaha Fulinta ee Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo furitaankii tababarkaas hadalo ka jeediyey, ayaa saxaafadda kula dardaarmay, kuna dhiirigeliyey tabinta iyo baahinta arrimaha bulshada, kana madhan siyaasadda xoogga la saaro.



“Saxaafaddu waxay inta badan muhiimada siisaa arrimaha siyaasadda oo inta badan kala qaybsanaan ku keenta ummadda Somaliland, waxa loo baahan yahay in saxaafaddu ka hadasho waxyaabaha aan bulshada kala qaybinayn, lagana wada midaysan yahay oo horumarka dalku ka mid yahay uguna horreeyaan waxyaabaha khuseeya bulshada,” ayuu yidhi Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.



Waxa kaloo uu saxaafadda kula dardaarmay inay wax ka beddelaan qaabka ay hadda u dhaqmaan oo ah in xoogga la saaro wararka iyo barnaamijyada siyaasadda khuseeya, balse loo baahan yahay sidii xooga loo saari lahaa arrimaha khuseeya bulshada.



Agaasimaha fulinta ee Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Mr. Maxamed Faarax oo isna furitaankii kulankaas iyo xafladii gunnaanadka ee loo qabtay shalay hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeeddada tababarka loo qabtay tahay sidii la isugu xidhi lahaa warbaahinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, taasoo suurtogal noqon karta marka la helo saxaafadda xoogga saarta arrimaha khuseeya bulshada oo ay ka mid yihiin horumarka, waxyaabaha noloshada dadka taabanaya iyo in suxufiyiinta lagu dhiirigeliyo ka hadalka mawduucyo manfac u leh dadka Somaliland.



Mr. Maxamed Faarax Xirsi, ayaa sidoo kale tilmaamay in Akadamiga Nabadda iyo Horumarku ku dedaasho waxyaabaha markasta horumarka u keenaya saxaafadda iyo bulshada Somaliland, horena ay tababaro kala duwan ugu qabteen suxufiyiinta Somaliland, isagoo ammaan ballaadhan u jeediyey macallimiinta tababarkaas bixinayey oo ahaa Xuseen Cali Nuur iyo Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis), kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin khubaro aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah u leh warbaahinta, lagana tixgeliyo Somaliland.



Tababarka loo qaybtay suxufiyiinta iyo ardayda saxaafadda ka barta kuliyadaha kala duwan ee Hargeysa, waxa la isku weydaarsaday aqoon iyo waayo-aragnimo la xidhiidha sida loo xoojin karo gudbinta arrimaha khuseeya bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, ka-hortaga tahriibka, wacyigelinta yaraynta saboolnimada iyo faqiirnimada, dhiirigelinta ka faa’iidaysiga khayraadka dalka iyo qodobo badan oo dan u ah bulsho badan oo ku dhaqan Somaliland.suxufiyiin4



Macallimiinta tababarka bixiyey oo kala ah; Mr. Xuseen Cali Nuur iyo Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis), ayaa kaalin weyn iyo dedaal xooggan geliyey sidii suxufiyiinta loogu kordhin lahaa macluumaad dheeraad ah oo khuseeya arrimaha bulshada iyo ujeeddooyinka saxaafaddu u taagan tahay oo ah inay u hadlaan bulshada danyarta ah iyo dadka ka fog siyaasadda ee ku hawlan arrimaha bulshada.



Muddada labada maalmood ah ee tababarku socday, waxa lagu fallanqeeyey, lagagana dooday sababaha keena in saxaafaddu shaqadeeda ku koobto arrimaha siyaasadda, lana yareeyo waxyaabaha khuseeya bulshada ama danta u ah danyarta, iyadoo la isla qaatay in arrimaha keenay siyaasadda xoogaysanaysa tahay dadweynaha oo aad u daneeya ka hadalka arrimaha diblomaasiyada, balse ay dhinaca kalena jiraan bulsho badan oo aan xiisayn siyaasadda, una baahan ay saxaafadda ka arkaan waxyaabo danaha ummadda khuseeya, kana fog siyaasadda.



Kooxda maqal iyo muuqaal oo ka tirsan Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaal la xidiidha arrimaha bulshada oo ay ka sameeyeen safaro shaqo oo ay ku mareen qaar ka mid ah gobolada Somaliland.



Qaar ka mid ah suxufiyiinta tababarkaas ka qaybgalay, ayaa si weyn uga  mahadnaqay  tababarkan, waxaanay ku bogaadiyeen Hay’addaha soo abaabushay ee Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland. waxayna intooda badan soo jeediyeen in tababarada iyo aqoon-korodhsiga noocan oo kale ah laga qaybgeliyo mulkiilayaasha iyo masuuliyiinta sare ee hay’adaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland si loo dardargeliyo in arrimaha bulshada xoogga la saaro.



Suxufiyiinta ayaa sidoo kale balanqaaday inay howlaha shaqo ee warbaahineed ay ku dabaqi doonaan duruustii ay aqoon-korodhsigan ku qaateen. “walaahi inkasta oo aan markii horeba isku dayi jiray inaan arrimaha bulshada xoogga saaro, hadana iminka waxaan isleeyahay sii xooji”sidaasi waxa GNA u sheegtay Sagal Mustafe Xasan oo ka mid ahayd ka qayb-galeyaashii tabo-barka, waxaanay intaasi ku dartay “haa wax badan ayaan ka faa’idaystay” ayay sii tidhi wariyuhu.



Sidoo kale, Saxafi Saleeban Ibraahim Xaashi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl-gala Warbaahinta Madaxbanaan, siiba Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inuu dareensanyahay inaanay iminka warbaahinta noocyadeeda kala duwani u darbanayn u kuur-gelida arrimaha bulshada, taasoo uu sababteeda ku canaantay dadka mulkileyaasha ka ah iyo kuwa madaxda ka ah Hay’addaha Warbaahinta.



“haa anigu waan dareensanahay inay warbaahintu xoogga saarto ama mar kasta dhinaca Siyaasadda daynayso, waxaana ugu wacan dadka masuuliyiinta ah oo iyagu mar kasta dhinac Suxufiyiinta u jiheeyay, laakiinse waxaan isleeyahay tababarada noocan ahi waxbay ka bedelayaan qaabkan hore “ayuu yidhi Saleeban oo GNA la hadlay markii tababarku dhamaaday.suxufiyiin2



Mukhtar Caydaruus oo isna ah wariye ka shaqeeya Telefishanka Dawladda ee SLNTV, ayaa tilmaamay in khaladaadka warbaahinta ay qayb ka tahay ilowga bulshada danyarka ah oo ay ahayd inay u noqdaan carroog u hadla oo baahiyaha dadka tabaalaysa iyo kuwa mufakiriinta ah labadaba mujtamaca u iftiimiya si ay u helaan dhiiri gelin iyo taakulo.



S. Kalshaale



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com