Wednesday, December 24, 2014

Talo ku socota SOLJA

Mustaqbalka Ururka SOLJA, wuxuu ku jiraa  innaga oo isku dan ah....Saleebaan Cabdi Cali......



klshaaleAnigoo tix-raacaya war-gelinta Guddida qaban-qaabada Shirweynaha SOLJA eek u taariikhaysan 18 December ee 2014, taasoo lagu shaaciyay qabsoomida shirweynaha Shanaad ee  Ururka SOLJA.



Anigoo xogogaal u ah xaaladaha jira ee ku gedaaman shirkaasi  la qorsheeyay in maalinta beri ah la qabto. Iyadoo aan la hilmaami Karin inuu dib u soo laba kacleeyey  khilaafkii markii hore dib u dhaca  ku keenay shirweynaha Ururka, isla markaana kala qaybsanaanta jirtaa  xataa ay saamaysay xubnaha Guddida qaban-qaabada oo dhinacyada is-haya ka dhex muuqda.



Markaan arkay aaraa’da kala fog ee maanta ka soo yeedhay saddexdii masuul ee Ururka ugu sareeyey oo aan caddeyn Karin inay la mab’da yihiin Guddidii fulinta ee ay hogaaminayeen.



Anigu aragtidayda waxaan soo jeedinayaa qodobadan hoos ku xusan:-




  1. Dhamaan dhinacyada Ururka, oo Hogaanka hada kala qaybsani ku jiro , guddida qaban-qaabada Shirweynaha, Xubnaha Suxufiyiinta ee ah marjaca masiirka Ururka iyo cid kasta oo danaynaysa jiritaanka madaxbanaanida Saxaafadda, waxaan ugu baaqayaa in Dhulka la dhigo arrinta Ururka, iyadoo la ixtiraamayo sharafta iyo sumcada Saxaafadda.


  2. In la hakiyo shirka lagu kala qaybsanyahay ee maalinta berri loo balansanyahay, iyadoo aan laysu calool furnayn.


  3. Inay daneyayaasha Saxaafadda Somaliland oo ay ka mid yihiin, Ururrada bulshada rayidka ahi soo faro-geliyaan khilaafkan, lana helo dhexdhexaadiyeyaal isku soo dhaweeya dhinacyada ismaan-dhaafku u dhexeeyo ee Ururka.


  4. Dhalinyarada Suxufiyiinta ah, yar iyo weyn, waxaan u soo jeedinayaa inay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo ay kaga wada-tashadaan arrinta Ururka SOLJA .


  5. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf  iyo xubnaha ka hooseeya  oo aan ka xusayo Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxaan u soo jeedinayaa, gacantiina ayuu ku jiraa mustaqbalkii ururkani , hadii aad saacadaha soo socda ku bur-burinaysaan iyo hadii aad banjarinaysaanba. waxaase ila quman inaanaydaan ka tagin damiirka iyo dadnimada oo aad ugu yaraan ka talisaan sidii wakhti loo siin lahaa tur-xaan bixin iyo in meel dhexe laysugu yimaado , dib-na loo dhigo shirka berri la iclaamiyay oo iila muuqda Fool-eri.  Hadiise sida hada wax u socdaan lagu adkaysto, is-diidaanaanina jirto callalaah laba qofna ha ahaatee, waxaa hubaal ah in gabal-baas u dumi doono SOLJA iyo Sumcadii Saxaafadda Somaliland.




Allaa Mahad leh



Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)



Tafaftiraha GNA/ ahna xubin ka mid ah Ururka SOLJA