Saturday, December 27, 2014

R.W Shar-maarke "waxaan waajahaynaa badbaadinta Muwaadiniinta iyo Martida"

soosharmarke.jpgReysal-wasaaraha cusub oo beyaankiisii u horeeyay ku dhaleeceeyay Alshabaab...



Muqdisho, December 26, 2014—(GNA)-Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda F. Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaaday Habeenkii Jimcuhu soo geliyay xarunta Ciidanka AMISOM ee Magaalada Muqdisho.



Reysal-wasaare Sharmaarke ooJimcihii soo saaray beyaankiisii u horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay, ayaa daboolka ka qaaday inuu weerarkaasi ahaa mid fulaynimo ah, isagoo  dhaleeceyn u jeediyay cidii fulisay.



Warsaxaafaddeedka uu soo saaray Reysal-wasaaruhu oo nuqul ka mid ahi soo gaaray Warqabadka GNA jimcihii shalay ayaa ugu horreyn, waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu  tacsi ugu  diray dadkii ku dhintay falkaas isagoona caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, wuxuna tilmaamay in kooxaha Al-shabaab marnaba ayan is hor istaagi karin hannaanka nabad ku soo dabaalidda dalka, ayna diyaar u tahay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa walaalaha AMISOM iyo buslahada Caalamka inay ka hortagaan ficillada ay gaysanayaan argagaxisadu.



“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee lala beegsaday xerada ciidamadda AMISOM ee muqdisho. Midowga Africa waa saaxiib aan leennahay oo gacan naga siiya sidii ay Soomaaliya markale cagaheeda isugu taagi lahayd, sidaa daraadeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ka xunyiin beegsiga xeradaas"ayuu yiri.



RW, Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri "Weerarkaan wuxuu na-tusayaa sida ay u wiiqan tay awoodda Argagixisada, iyagoo ku soo koobay howl galladooda is qarxin iyo weeraro naf-lacaarinimo ah. Waxaan sii wadaynaa inaan si adag u wajahno isku dayada aan ku badbaadinayno shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee dalka martida ku ah" ayuu yiri R/Wasaare Sharma'arke oo intaas raaciyay kadib Werarkaan argagaxisadu soo qaaday, dowladu in ay isku howlayso baaritaano lagu xaqiijinayo meelaha jilicsan ee argagxisadu weeararada ka soo qaadi karto iyo qaababka u sahlaya inuu dhaco weerar noocaan ah.



Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay Xukuumaddiisu in ay muhiimadda koobaad siin doonto sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka dhacda dalka oo dhan, si muwaadin walba ugu noolaado isagoon wax cabsi ah ka qabin kooxaha argagaxisada ee caadeystay daadinta dhiiga dadka bulshada indha hooda ah.