Saturday, December 27, 2014

Muuse Biixi oo Bilaash-xayteyaal ku tilmaamay Musharixiinta Baarlamanka

muuses



Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi ayaa daboolka ka qaaday inay sharci daro tahay Musharixiinta ku dhawaaqaya inay u tartamayaan Golaha Wakiillada Doorashada aan wali wakhtigeeda ay qabsoomaysaa cayimayn ee soo socota.



Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay Xaflad khamiistii ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxaanu caddeeyay inanay xisbi ahaan ogolaan shaacinta Musharixiinta u tartamaya Golaha Wakiillada, iyagoo aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin xilliga Doorashada iyo waliba soo gudbinta Liiska Musharixiinta.



“wax alaalle wax ka jiraa ma jiro musharixiinta ku dhawaaqaya inay Golaha Wakiillada u sharaxanyihiin. Annagu xisbi ahaan ma aqoonsanin musharax xaflado qabsanaya, ilaa inta Komishanku cayimayaan Doorashada xilligeeda ee Musharixiinta liisaskooda xisbiyada ka dalbanayo”ayuu yidhi Muuse Biixi.



Go’aankan ayaa ku soo aadaya xilli ay dad badan oo doonaya inay u tartamaan gollaha Wakiiladu ay shaacinta  Musharaxnimadooda u xafladaysanayaan, iyagoo qaab beelaysan u iclaaminaya in loo xushay Musharax Baarlamaan oo Deegaan khaas ah ama beel metelaya. Doorashada Gollaha Wakiillada ayaa ku dhisan qaab Goboleysi ah oo ka duwan habka goleyaasha Deegaamada lagu soo doorto .