Tuesday, December 23, 2014

xaalada colaadeed oo ka bilaamantay dekada lughaya +cuqaasha ciise oo baaq ka soo saaray.

beesha ciise ee degta gobalka salal ayaa ka soo horjeestay dhisida Dekeda lughaya oo haatan gacanta lug hayo waxanay sidaa ku sheegeen mar ay warsaxaafadeed ka soo saareen oo nuqul ka midi soo gaadhay shabakada gobanimonews.com.
Halkan ka Akhri warsaxafadeedka oo dhan.

lughayaLughaya(GNA).Beeshan badaraxaan ku kalifay in aay dagaal ku dhawaaqdo beesha samaroon oo garabsanaysa dowladda.Beesha badaraxaan oo in badan u dulqaadatay beesha samaroon iyo dowladdaba oo labaduba dulmiyey doorashooyinki degaanka imikanna u soo dhigtay dhulkooddi.

Dad weynaha Somaliland ayaanba weydiine masuurra galbaa in dad degga Saaxil sidda Bulaxaar iyo tuulooyinka hoos imaadda,Awdal sidaa degmadda lughaya ha u bataan badaraxaan degaanadda hoos imaadda lughaya, Lix gobood oo xidhan oo Maroodi jeex iyo Awdal isku haaystan oo doorasho loo ogalaayn in aay ka dhacdo gar gaarna helin dowladeed.
iyo gobolka selel ma suura galbaa in dadka intaas oo deegaanna degga la idhaah hal xildhibaan degaan ma lihidin dowladdana wax xil ah ku lahaayn.
Iyagoo beeshani tahay beeshi ugu badnaayd ee ciise ah ee u dagaalanta gooni isu taagi Somaliland xiligi kaligi taliyihi siyaad bare lala dirirayey imikanna dalka wax intifaaca ku haayn dhib lagu hayo mooye.
Waxaay dowladdu garab istaagtay beesha samaroon si aay u dhistaan dekadda lughaya si aay dhulkayaga loogu sasabo hadaba anagu dhul aay dekad ka dhistaan ma haayne salaam cirkaa ha dhigtaan.
Hadaba beeshan badaraxaan waxaay digniin u diraysaa cidkasta oo faraha lagasha degaanka lughaya ee aay beeshu degto gaar ahaan shirka lahadal hayo in lagu qabto degmadda lughaya eey rabaan samaroon.
Waxaan cod dheer ku sheegaynaa inaan kasoo hor jeedno oo dhimisho ka xigno dhisidda dekadda lughaya.
Dalka waa lakala lee yahay iyo dooga soo baxa,waxaana u cadaaynaynaa beesha dhulboobka caadeeysatay in aanay ku soo talogelin shir aay ku qabsadaan lughaya.
Cuqaashata bayaanka soo saartay:
1:Chief caaqil Geydh Axmed Waber(Badaraxaan/Reer Cali Cadde)

2:Caaqil Cumar aadan warsame(Badaraxaan/Reer Dawaale)

3:Caaqil Siciid Maxamed(Badaraxaan/Reer Liibaan)

4:Caaqil Guleed Roobleh(Badaraxaan/Reer Faarax)

5:Chief Caaqil xasan xuseen cigaal(Badaraxaan/Reer cali Cadde)

6:Caaqil Ismaaciil Cilmi aw nuux(Badaraxaan/Reer Dawaale)

7:Caaqil Xasan Yuusuf Suldaan (Badaraxaan/Reer Liibaan)

8:Caaqil Siciid Maxamed Jiidheh (Badaraxaan/Reer Faarax)

9:Chief Caaqil Cilmi Maxamed Warsame(Badaraxaan/Reer Cali cadde)

10:Caaqil C.laahi Daahir Cabdi(Badaraxaan/Reer Dawaale)

11:Caaqil Abaar C.laahi Shirwac(Badaraxaan/Reer Liiban)

12:Caaqil Maxamed Bulaaleh Arbaase (Badaraxaan/Reer Faarax)